|

Madaxweynaha Masar oo Sharaxaad ka bixiyay Hadal ay siweyn u dhibsadeen Israel iyo Xulafadoodu

Qahira Jan 18,2013(SDN)-Madaxweynaha dalka Masar Maxamed Morsi ayaa markii u horeysay sharaxaad ka bixiyay ereyo ka careysiiyay Israel iyo xulafadooda reer galbeedka.

Hadalka Madaxweynaha Masar oo lagu daabacay Wakaalada Wararka ee dawlada Masar ayaa lagu sheegay in wareysigii uu Md Morsi bixiyay intaanu madaxweynaha noqon uu ujjedadiisu ahyed uun ka hadalka xaalada shacabka reer Falastine.

Madaxweynaha Masar ayaa Yuhuuda ku sheegay Dhiigyo cab ka soo tafiirmay Dayeero iyo Doofaaro.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in cida uu ujeeday aaney aheyn dadka Yuhuuda ee ay tahay xukuumada iyo ciidamada Israel ee xadgudubka joogtada ah ku haya shacabka reer Falastiine.

Mareykanka ayaa dhawaan si adag u dhaleeceeyay wareysiga madaxweynaha Masar uu ku weeraray Israel uguna baaqay in uu raaligelin ka bixiyo.

SDN-Qahira

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed