|

Madaxweynaha Masar oo aflagaadeeyay Yuhuuda iyo Mareykanka oo Dhaleeceeyay

Washington Jan 16,2013(SDN)-Madaxweynaha dalka Masar Maxamed Morsi ayaa wareysi uu bixiyay sanadii 2010kii waxa uu ku aflagaadeeyay Yuhuuda oo uu ku sheegay dhiigyo cabyo ka soo ababay Daayeero iyo Doofaaro.

Madaxweynaha ayaa wareysigan siiyay TV laga leeyahay Falastiin xili uu ahaa hogaamiyaha xarakada Akhwaanka.

Madaxweyne Morsi ayaa sidoo kale dawlada Falastiin ku tilmaamay mid daba dhilif ah oo ay sameeyeen Sahnuunuyiintu si ay shacabka Falistiin u duudsiiyaan rabitaankooda.

Mareykanka ayaa hadalka Morsi ku tilmaamay neceyb waxaana ay sheegeen in ay canbaareynayaan.

Sidoo kale waxa ay Mareykanku ku baaqeen in madaxweyne Morsi in uu raali gelin ka bixiyo hadaladan.

Dawlada Masar ayaa ah dalka labaad ee uu Mareykanku siiyo lacagaha gacan qabadka ah ee ugu badan.

Waxa Mareykanku siiyaa dalka Masar aduun dhan 1.5 Billion sanad walba.

Dawladaha Masar iyo Israel ayaan ilaa hada ka hadal cajaladan dhawaanta la soo bandhigay.

Comments are closed