|

Madaxweynaha Mareykanka oo Dhigiisa Syria u diray Fariintii u cusleyd

Washigton Dec 04,2012(SDN)-Madaxweynaha dalka Mareykaka Barack Obama ayaa mar uu ka hadlay xaalada Syria waxa uu fariin adag u diray madaxweynaha dalka Syria oo xukuumadiisu ay dagaal ba’an kula jirto kooxo kacdoon ku haya.

Xukuumada Syria ayaa haatan lagu tuhmayaa in ay sumeyneyso degaanada a kaga socdaan kacdoonada.

Digniinta Mr Obama ayaa waxa ay ku wejahan tahay isticmaalka hubka xambaarsan sunta loo yaqaano Sarin oo maalmihii u danbeeyay la shaaciyay in Syria ay isticmaaleyso.

Ilowareedyo ka mida sirdoonka Mareykanka ayaa sheegay in xukuumada Bashar Al Asad ay haatan isticmaaleyso hubka sida weyn wax u gumaada.

Sidoo kale baqaha xulafada Mareykanka ayaa salka ku heysa in haatan ay jiraan xogo tibaaxaya in xukuumada Syria ay ka raratay snta Sarin goobihii ayhore ugu heysay,ayna dhici karto in ay gacanta u galaan kooxo ay Xisbulah ka mid tahay.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa digniintiisa ku sheegay in Mr Asad iyo kuwa ku dhawdhaw ay qaadi doonaan masuuliyada isticmaalka sunta Sarin.

Sidoo kalena ay Mareykanku farogelin ciidan ku sameyn doonto Syria hadii suntaa la isticmaalo.

SDN-Washington

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed