Madaxweynaha maamulka Punt land oo Xilkii ka Qaaday Taliyihii Ciidanka Bada Warbixin
Garowe 05.April 2014 (SDN)- Wararka soo gaaraya Magaalada Garowe ayaa sheegaya in madaxwaynaha Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali uu xilkii ka qaaday agaasimaha ciidanka badda Puntland (PMPF) Maxamed Cabdiraxmaan Farole.
Inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin magacaabistan ayaa haddana waxa warar lagu kalsoonyahay oo ka soo baxaya madaxtooyadda ayaa sheegaya in loo magacaabay Xiriiriyaha madaxtooyadda ee ciidanka Badda Cabdinaasir Biixi Soofe.
Ciidanka la-dagalanka burcad badeeda waxaa la dhisay sanadkii 2010 taasoo ka timi qorshe uu madaxwaynihii hore ee Puntland Dr.Cabdiraxman Farole u gudbiyay beesha caalamka in bariga lagala dagaalamo burcadda oo ah halka marka hore ay iska soo abaabulaan.
Ciidanka PMPF ayaa waxa dhaqaalaha ka taageera dowladda isku-taga Imaaraadka Carbeed, waxana ka sokow hawlagallo burcada looga sifeeyay Puntland ay ka qayb qaateen gargaarka bini’aadanimo iyo sugida amaanka guud ee dalka.
Biyo dhaamiskii abaartii 2011, sugida amaanka shirarka waawayn,qaybinta mucaawinoyinka iyo weliba ka qayb qaadashada horumarka bulsho ee umadda reer Puntland ayaa ka mida waxyaabaha lagu tilmaamo ciidanka inta uu Maxamed Cabdiraxman hayay agaasinkooda.
Dec, 2012 ayaa ciidanka PMPF soo furteen Markabkii Ice Berg1 oo saddex sanno ku dhowaad gacanta ugu jiray burcad badeed deegaanka Gaarcad ee g0bolka Mudug, iyadoo hawlgalkaasi guusha ku soo dhamaaday ee Humanterian Rescue loogu magacdaray amaan wayn iyo bogaadin ka heshay Puntland.
Cabdinaasir Biixi oo ka mida ganacsatada Puntland ayaa isaga iyo madaxweynaha Puntland yihiin kuwo isku dhow dhanka haybta, waxana qayb ka tahay isbadalka Shakhsiyaadka ee uu Mudane Gaas ku galay doorashada iyadoona waxba loo aabo yeelin dhismaha xarumaha dowladeed iyo wax u dhimiska haylkooda soo jiray mudada badan.
Ciidanka PMPF ayaa ah mid u dhamaystiranyihiin saanad Militeri dhanka badda, Bariga iyo cirka, waxana tababaro joogta ah u sameeyay khuburo caamali ah, dadka Puntland ayaa ku amaana ciidanka inay yihin kuwa ugu anshaxa wanaagsan.
Xil ka qaadista lagu sameeyay Maxamed Cabdiraxman ayaa ahayd mid waayadan guuxeeda la isla dhexmarayay Puntland, waxna isna uu ku maqan yahay fasax dibadeed. iyadoona shacabka siyaabo kala duwan u fasirteen durba magaacisbta.
Garowe SDN.
Qurbejoog@gmail.com