|

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Oo kala Diray Golihiisii Wasiirrada

Gaalkacyo:07-April-2014 (SDN)-Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale ”Qeybdiid” ayaa Maalintii shalay kala diray Golihii Wasiirada Maamulka Galmudug ee uu Madaxda u Yahay.

kala diWarqad ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa lagu sheegay in  la kala diray Wasiiradii iyo Wasiirro ku Xigeenadii Maamulka Galmudug oo in muddo ah Shaqadaas soo Hayey.

 

Sababta Loo Kala Diray Golaha Wasiirrada ayaa Lagu Macneeyey inay Golahaasi ku Guuldarraysteen inay Gutaan Waajibaadkii looga Baahnaa, isla-markaana ku Fashilmeen Arrimo badan oo Wax ka qabashadooda looga Fadhiyey.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdi Qeybdiid oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in Bil gudaheed uu ku soo dhisi Doono Wasiiro Tayo leh oo ay u dhan yihiin Shacabka Reer Galmudug.

 

Qeybdiid ayaa sheegay in Galmudug ay u baahan tahay isbadal iyo Hormar wasiiradana ay ku Fashilmeen in ay wax ka Qabtaan Arimo farabadan oo dhinaca Bulshada ah.

 

“Waxa loo baahan yahay Isbadal iyo hormar, Shacabka iyo Deegaanka Galmudug in ay hore u socdaan ayay doonayaan, taasi ayaa keentay Golaha wasiirada haatan la kala diro, waxaan ka rajeynaynaa in waxqabad muuqda la imaan doonaan Golaha Wasiirada Cusub ee aan soo magacaabi doono” ayuu yidhi madaxweynaha Galmudug.

 

Waa markii ugu horeysay tan iyo Markii Madaxweyne Qeybdiid la Doortay uu kala Diro Golaha wasiirada Maamulka Galmudug, waxana Tallaabadan si weyn u soo Dhaweeyey Dadka shacabka ah oo markii hore Quus ka Taagnaa Golahan Wasiirrada ee Haatan la Caydhiyey.

 

S.D.N.

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed