Madaxweynaha Maamul Goboleedka Punt land oo ka Raali Geliyay Fannaaniintiisa Garaacis ay Ilaaladiisu ku Sameeyeen
Garowe 03.Aug 2014 (SDN/QJ)- Madaxweynaha Dowlada Puntland C.wali Maxamed Cali Gaas iyo Marwadiisa Hodan Siciid ayaa kulan qado ah ku qaabilay Abwaanka iyo Kooxda Waaberi Puntland ka dib markii jug jugeyn iyo garaacis ay kasoo gaartey habeenimadii 1 Augsto 2014 xafladii lagu qabtay xarunta baarlamanka Garowe qaar ka mid ah Ilaalada Madaxweyne Gaas.
Kulanka ay ku yeesheen Madaxtooyada Garowe Madaxweyne Gaas iyo Kooxda uu hogaaminayo Abwaan Shube waxa kasoo shaqeysay Marwo Hodan Siciid oo si weyn uga xumaatay khaladka ay u geysteen Abwaan Shube iyo qaar ka mid ah Hobollada Waaberi Puntland ilaalada Madaxweynaha Puntland .
Inkastoo aysan ahayn kooxda waaberi kuwa kaliya ee habeenkaas kala kulmay ciidanka dhibaato iyo garaacis ayaa hadana maanta uu Madaxweyne Gaas ka raali galiyey khaladkii dhacay labo habeen ka hor Abwaan C.qaadir Shube iyo Kooxdiisa.
Agaasimaha mashaariicda wasaarada waxbarashada Puntland kana mid ahaa xubnihii guddiga qaban qaabada xuska 1 Augsto Maxamed Cali Faarax (Farma-yeeri) ayaa ka mid ahaa dadkii ilaalada Madaxweynuhu gacan qaadka ugu geysteen xafladii ka qabsoontay xarunta Baarlamanka Puntland magaalo madaxda Garowe.
Halka ay jireen tiro badan oo ka mid ah shacabka ku nool magaalada Garowe oo isugu jirray rag iyo dumar oo iyana cabasho xoog leh ka muujiyey dhibaato ay kala kulmeen ilaalada Madaxweynaha ka dib markii ay ka hor istaageen dad badan inay ka qeyb galaan xuska sanad guurada 16 aad ee ka qabsoontay Garowe.
Isku soo wada duuboo kulanka qadada ah ee ay wada qaateen Madaxweyne Gaas iyo Kooxda Waaberi waxa kala qeyb galay xubno ay ka mid yihiin Marwada Madaxweynaha Puntland Hodan Siciid iyo Xubno ka tirsan gollaha Wasiirada Dowlada Puntland.
Garowe SDN/QJ
contact@qurbejoog.com