|

Madaxweynaha la doortay oo la kulmay wefdi Mareykan ah

Hargeysa December 03, 2024(QJ) – Madaxweynaha la doortay ee Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa kulan la yeeshay wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo safiirka Maraykanka, Richard H. Riley, oo ay wehelinayaan taliyeyaasha ciidamada AFRICOM.

Madaxweynaha la doortay waxa uu sheegay inay weftiga si qoto dheer uga wadahadleen xoojinta xidhiidhka ka dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Maraykanka.

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro waxa uu xusay in weftigu dhambaal hambalyo ah ka siday dawladda Maraykanka.

Siday werisay Wakaallada Wararka Somaliland ee SOLNA, Madaxweynaha la doortay waxa uu xusay in doorashadii Jamhuuriyadda Somaliland ka qabsoontay 13-kii bishan November ay indhaha caalamka si weyn u soo jiidatay, taas oo Somaliland u soo kordhin doonta fursado maalgashi oo caalami ah.

Leave a Reply