|

Madaxweynaha KMG ah ee Maali oo wadahadal ugu baaqay Mucaridka Woqooyiga dalkaa qabsaday

Hargeysa April 16,2012(SDN)-Madaxweynaha ku meel gaadhka ah ee dalka Maali  ayaa la sheegay inuu diyaar u yahay in uu wada  hadal la galo falaagada dawaariqiyiinta ee  qabsaday galbeedka dalka maali, isaga oo shuruud uga dhigay wada hadaladaas inay gobolkaasi woqooyiga dalka ay ka baxaan kooxaha  ajaanibka ah ee la  jira  dawaariqiiyinta, oo uu ula jeedo baa la yidhi  shabakada al-qaacida,sidaasina waxa sheegay ergay dhex-dhexaadiye ah oo reer maali ah.

Siyaasigan dhex dhexaadiyaha ahi  waxa kale oo uu sheegay,in Madaxweyne Darawri uu doonayo  in arinta woqooyiga dalka maali  lagu xaliyo  wada hadalo  miiska laysa soo hor fadhiisto oo lagaga xaajoodo  sidii khilaafka loo saari lahaa.

Dalka maali waxa ka dhacay laba iyo labaatankii bishii March inqilaab talada lagaga maroojiyey madaxweynihii hore ee  dalkaasi, inqilaabkaasina waxa uu hor-seeday in  falaagada dawaariqiyiinta  iyo xarakada  An-saaru diin ee salafiyiinta ee gacan saarka la leh shabakada al-qaacida  ay qabsadaan woqooyiga maali kagana dhawaaqaan  maamul  madax-banaan oo ay u bixiyeen Jamhuuriyada As-waar.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed