|

Madaxweynaha Kililka 5aad Iyo Ku-xigeenkiisii Oo Loo Diiday Inuu Safar Ugu Baxaan Debedda

Adis-ababaOct 24,2012 (SDN/Hubaal-W/wararka)- Dawladda Federaalka Ethiopia, ayaa  la sheegay in ay xilkii ka qaaday madaxweynihii Kililka shanaad ee Ismaamulka Soomaalida Ethiopia Cabdi Maxamuud Cumar ( Cabdi Iley).

Warkan oo aanu ka soo xiganay shabakadda Araweelonews  oo  iyadu boggeeda ku daabacday ayaa sheegaya in Madaxweynaha Kililka Shanaad ee Itoobiya oo qorshaynayay inuu safar dalka debediisa ugu baxo habeenkii Axadii 21Oct 2012, laga joojiyay. sidoo kale hore loogu diiday qorshe uu sheegay inuu dalka Sucuudiga ugu baxo si uu waajibka Xajka ee sanadkan u soo guto, balse dhamaan loo diiday safaradaa, isla markaana la xayiray dhaq-dhaqaaqiisa oo gurigiisa lagu ilaalinayo, iyadoo wararka qaar sheegayaan in madaxtooyada Jigjiga la geeyay ciidamo ka socda dawlada Federaalka Ethiopia.

Xukuumadda Federaalka Ethiopia ayaan si rasmi ah u shaacin xil ka qaadista Madaxweynaha Kililka Shanaad ee Ethiopia, kaas oo mudooyinkii u danbayay ee raysal wasaaraha cusub ee dalkaa Haile-mariam Desalegn xilka la wareegay ay soo baxayeen khilaaf soo kala dhexgalay Madaxweynaha Kililka shanaad iyo dawlada Federaalka, iyadoo Madaxweynaha  lagu canaantay qaabka uu u maamulay dhacdooyin shaqaaqo soo noq-noqotay oo ka dhacay deegaanka Kililka shanaad ee Soomaalida oo sababay dagaalo khasaare dhaliyay. kadib markii ciidamada Liyuu Police ee deegaanka ay dad shacab ah dhibaato u geysteen.

Warku waxa uu intaa ku darayaa in Raysal wasaaraha cusub ee Ethiopia Eng. Haile-mariam Desalegn uu xafiiskiisa kulan kula yeeshay  Cabdi Iley bishan October 10-keedii, kaasi oo lagaga lagaga wada hadlay awoodda ciidanka Liyuu Police-ku yeesheen  iyo hawl gallada ay ka sameeyaan deegaanka Soomaalida Ethiopia oo si gaara loogu adeegsado dad shacab ah oo xoolo dhaqato ah.

Wararku waxa kaloo ay sheegayaan in Cabdi Maxamuud Iley uu si dadban ugu gacansaydhay qorshe ay dawlada Ethiopia ugu soo jeedisay in la baabiiyo ciidankaa Liyuu Police, balse uu codsaday inaan la baabiin ee  la siiyo tababaro aqoontooda kor loo qaadayo, taas oo shaki gelisay dawladda Federaalka ee Ethiopia.

Dhinaca kale safar Madaxweynaha Kililka shanaad iyo ku xigeenkiisu Cabdillaahi Yuusuf, Axadii toddobaadkan   ku tegi lahaayeen dalka Imaraadka Carabta  ayaa la  xayiray, kadib markii dawladda dhexe ka shakiday inay baxsanayaan oo aanay dalka ku soo laaban doonin.

SDN-Adis Ababa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed