|

Madaxweynaha Kenya Oo Qaaday Tallaabo Caalamka Oo Dhan Laga Hadal Hayo Iyo Shacabkiisa Oo Soo Dhaweeyey

Nairobi:11-March-2014 (SDN)-Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Sii wada ku dhiirrashadiisa inuu dhimo mushaharaadka ay qaataan masuuliyiinta sarsare ee Dawladdiisu.

uhuruuuuJimcihii (7-dii March) ayay Kenyatta iyo Madaxweyne Ku-xigeen William Ruto waxa ay ku dhawaaqeen in ay iska dhimi doonaan 20% mushaarkooda, halka mushaharka wasiirradana la dhimi doono 10%.

 

Madaxweynaha ayaa Jimcihii ina dhaafay ku dhawaaqay in si degdeg ah loo jari doono Mushaharka ay Masuuliyiintu qaataan, waxana uu ku adkaystay inaan la sii wadi Karin.

Xukuumadda ayaa sidoo kale ku soo koobi doonta safarrada dibadda kuwooda ugu muhiimsan, sida uu sheegay Kenyatta. “Xukuumaddeeyda waxa ay si weyn hoos ugu dhigi doontaa lacagta bilaa macnaha ku baxda, Waxan sannad walba ku bixinnaa bixinta mushaharrada 400 oo bilyan ($4.6 bilyan); taasoo noo soo reebta kaliya marka laga hadlayo waxa aan ka helno ilaheenna 200 oo bilyan oo shilin si aan ugu baddalno Kenya, Waana sababtaas taan u leennahay jaangooyadani maaha mid sii shaqeyn karta… Waa in aan wax ka qabannaa dhibaatadan weyn haddii aan dooneeyno in aan horumarinno qarankan.” Ayuu yidhi

Isniintii (10-kii March), ayuu ku amray madaxda hay’adaha dawladda in ay sida ugu dhakhsaha badan u dhaqan-galiyaan dhimidda khasabka 20%-ka ah.

Kenyatta ayaa sidoo kale ku boorriyay xildhibaannada dalka in ay raacaan tusaalihiisa oo ay dhimaan mushaharkooda.

“Waxan rajeeynayaa in waaxyaha kale ee dawladdu ay qaadaan tallaabadaa oo kale oo ay dib u eegaan mushaharkooda. [Xubnaha baarlamaanka] way maqleen wayna yaqaannaan waxa ay Kenyanku doonayaan,” ayuu yidhi.

 

 

Mushaarka Kenyatta ayaa noqon doona 990,000 oo shilin ($11,400) isaga oo ka soo dagaya 1.2 milyan shilin ($14,300), halka kan Ruto uu noqon doono 841,500 oo shilin ($9,700) isaga oo ka soo dhacaya 1.1 milyan shilin ($12,100), sida ay sheegtay Capital FM-ta Kenya.

Xildhibaannada ayaa si cagajiid ah sannadkii hore ku oggolaaday in mushaharkooda la dhimo, kaasoo mushaharkooda billaha ah hoos ugu soo dejiyay qiyaasaha 532,000 oo shilin ($6,100).

Mushaharka ugu hooseeya ee ay qaataan muruq-maalka Nairobi qiyaastii waa 8,500 oo shilin ($98) bishii.

Wasiirrada xukuumadda ayaa hadda qaadan doona 633,600 oo shilin ($7,300) kaasoo hoos uga soo dhacaya 792,000 oo shilin ($9,100), halka xoghayayaasha joogtada ahi ay qaadan doonaan 524,700 ($6,000) kaas oo hoos uga soo dhacaya 655,875 shilin ($7,500).

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed