Madaxweynaha Kenya oo Ka Dalbaday Ku Xigeenkiisa inuu Waxbarashadiisa Soo Dhamaysto,Isla Markaana uu Macalimiintiisa Qanciyo Si aanay u Ceeboobin
Nairobi 27.Aug 2014 (SDN/QJ)- Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ugu baaqay ku xigeenkiisa William Ruto inuu dhammeeyo waxbarashadiisa, uusan-na ceebeyn dowladda.
Madaxweynaha ayaa ka hadlayay xaflad lagu dhagax-dhigayay dhismeyaal cusub oo lagu kordhinayo Jaamacadda Nairobi.
Madaxweynaha ayaa u jeediyay Ruto oo dhowaan iska diiwaan-geliyay PHD jaamacadda Nairobi inuu si adag wax u barto si uusan u ceebeyn dowladda.
“Waan ku faraxsanahay ka qeyb-galka xafladda ka dhaceysa machadkan oo soo saaray dad badan oo mas’uuliyiin ah. Waxaa ka mid ah ku xigeenkeyga oo aan maqlay inuu ku soo laabtay si uu uga dhammaystirto PHD-giisa. Ka madaxweyne ahaan, aniga horey ayaan u sameeyay, in badan ayaana ku dhiirri-geliyay asaga inuu si adag wax u barto, una qanciyo macallimiintiisa si uusan noo ceebeyn, Uhuru ayaa ka hor yiri dadweynaha isagoo qoslayay”
Nairobi SDN/QJ
contact@qurbejoog.com