|

Madaxweynaha Kenya Oo Jeediyey Cannaan La Xidhiidha Sida Looga Gaabiyey Cudurka Ebolaha

Nairobi:Sep,17,2014(SDN/QJ)-Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyata, ayaa niyadjab ka muujiyey Hannaanka dunidu uga Hortagtay Cudurka Galbeedka Afrika Afeeyey ee Ebolaha.

uhuruWaxa uu kenyata sheegay in dalalka reer Galbeedku aanay Bixin jawaabtii ku haboonayn ee cudurkan wax laga qagan kari lahaa, isla-markaana ay si gaabis ah ula macaamileen.

Madaxwaynaha oo ka hadlayya kulan ka dhacay dalka Guinea ayaa xusay in jawaabtii ay reer galbeedka ka bixin lahayeen hadii Ebola uu ka dilaaci laha Yurub ama Maraykanka in aysan mid la mid ka bixin cudurka Ebola ee galbeedka africa .

hasa yeeshe madaxwayne Kenyatta ayaa xusuusiyay hodaamiyayaasha africa in arintani ay u tahy baaq ay hurdada uga kacayaan .

Madaxwaynaha dalka Kenya ayaa sheegay in hogaamiyayasha ay ogaadaa in lo baahan  yahay in dhaqaale loo qoondeeyo ka jawaabida xaaladaha dagdaga ah .

Cudurak ebola ayaa waxa galbeedka Africa ugu dhan dad gaadhaya  2,400  qof oo uu cudurkaasi haleelay.

Dalalka ugu daran ee uu cudurkani Ebola faraha ba’an ku haya ayaa waxa ka mid ah Sierra Leone, Guinea iyo Liberia.

 

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed