Madaxweynaha Kenya oo iska fogeeyay Hadalkii dhawanta ka soo yeeray wasiiradiisa Arrimaha Dibedda
Nairobi Sept 25,2013(SDN)-Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyata ayaa khudbad uu shicibkiisa u jeediya uga waramay xaaladihii u danbeeyay ee weerarkii Shabaabku ku qaadeen Westgate Mall.
Madaxweynaha ayaa sheegay in haatan la soo gunaanaday hawlgalkii lagu soo furanayay laheysteyaashii iyo xarunta afartaa maalmood ku jirtay gacanta koos dabley ah.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka waramay cida ay yihiin dadka weeraray oo uu sheegay in ay dhici kareyso in ay yihiin ajaanib balse aanu hada cadeyn kareyn.
Madaxweyne Uhuru ayaa sheegay in sadexdii dabaq ee xarunta ganacsigu ka koobneyd ay dhamaan burbureen.
Mana cada buu yiri inta ay baaritaanadu qaadan doonaan si loo sheego cida weerarkan ka danbeysay iyo halka ay ka yimaadeen.
Hadalkan ayaa ka duwan mid ay wasiirada Arrimaha dibeddu siisay werbaahinta caalamka oo ay ku sheegtay in weerarka ay ka qeyb qaateen dhalinyaro Soomaali ah oo qurbaha ka tegay.
Hadalkaas oo Soomaali faro badani aaney ka fileyn haweeney aqoon sare u leh diblomaasiyada iyo xaalada nololeed ee Soomaalida.
Iyo weliba culeyska ay ku keeni kareyso Waalidka Ubadkii ay kala soo baxadeen Soomaaliya iminka lagu carqaladeeyo Qurbaha.
Waxa haatan la filaana waa in ay wasiiradu hadalkaa cadeyso waxa ay ula jeeday ama ay ku adkeysato dhaliishaa ay huwisay Soomaalida Qurbaha miciinka biday.
SDN-Nairobi
contact@somalidiasporanews.com