Madaxweynaha Kenya oo Isbitaalka ku booqday dadkii Shabaabka ay ku dhaawaceen weerarkii Mandheera
Mandhera,8july,2015(QJ/SDN)Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa gelinkii dambe ee shalay isbitaalka Kenyatta ee magaalada Nairobi, wuxuu ku booqday dad ku soo dhaawacmay weerarkii Al Shabaab ay ka geysteen habeenkii tallaadada Suuqa Xoolaha ee Magaalada Mandheera.
Dadkaan dhaawacooda oo laga soo qaaday Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa shalay la dhigay Isbitaalka Kenyatta si ay u helaan daryeel caafimaad, maadaama dhaawacooda uu culus yahay.
Madaxweynaha Kenya ayaa markii uu la kulmay dhibanayaasha u rajeeyay in ay soo caafimaadaan, waxaana uu tacsi u diray ehelada dadkii lagu dilay dhacdadaasi.
Madaxweynaha Kenya ayaa dul tagay dhaawacyada, waxaana warbixin la xiriirta xaalada dadka dhaawaca ah siiyay Dhaqaatiirta Isbitaalka oo sheegay inay ku dadaalayaan daryeelka caafimaad Bukaanadaan.
Weerarkii Shabaabka ay ka geysteen Magaalada Mandheera ee dalka Kenya oo dhacay saqdii dhexe ee habeenki talaadada soo galeysay ayaa waxaa ku ku dhintay 14 ruux oo u badnaa dadka dhagaxa qoda.
Wasiirka Arimaha gudaha dalka Kenya Joseph Nkaissery ayaa sheegay in rag hubeysan oo aan tiradooda la aqoonin ay ka gudbeen xadka uu dalka Kenya la wadaago Somalia, kadibna ay weerarkaasi fuliyeen iyagoo toogasho ku dilay 14 qof halka 11 kalena ay dhaawaceen.
Dhaawacyada Magaalada Nairobi la geeyay ayaa tiradooda waxa ay tahay 8-ruux oo Magaalada Mandheera wax looga qaban waayay, kadibna loo qaaday Magaalada Nairobi.