|

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sheekh iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Qaahira

Qaahira Feb 06 2013 (SDN)– Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa xalay waxa ay gaareen Magaalada Qaahira ee Caasimada dalka Masar.

Ujeedka safarka Madaxweynaha iyo wafdigiisa ay ku tageen Magaalada Qaahira ayaa ah ka qeybgalka Shirka Wadamada Islmaamka ee OIC kaasi oo ka dhici doona Magaalada Qaahira ee caasimada dalka Masar.

Shirka OIC ayaa waxaa la filayaa in ay ka soo qeyb galaan Madaxda wadamo ka badan 60-dal waxaana la filayaa in qaar kamid ah uu la kulmo hogaamiyaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya uu hogaaminayo ee gaaray Magaalada Qaahira ee dalka Masar waxaa ku jira Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan, Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Farax C/qaadir, Wasiirul Dowlaha Wasaaradda Arimaha Dibadda Dr. Maxamed Nuur Gacal, La taliyaha Madaxeynaha ee xagga Amniga Qaranka C/Raxman Sh. Ciise iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda Kamal Dahir.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa ka soo Ambabaxay Magaalada London ee dalka Ingiriiska halkaasi oo uu kula kulmay Ra’iisul wasaaraha dalkaasi Dived Cameron kaasi oo ay kawada hadleen arrimaha labada dal.

Comments are closed