Madaxweynaha Jabuuti oo Mucaaridka dalkaas ergo beeleed u dirsaday iyo ujeedadii uu ka lahaa oo fashilantay
Jabuti April 04,2014(SDN)-Madaxweynaha Jabuuti ayaa ku fashilmay qorshe siyaasadeed uu dhawaan damcay in uu mucaaridka ku kala jebiyo nidaam Qabiil oo uu ka damacsanaa Qorshe dhaw iyo mid fogba.
Madaxweynaha Jabuuti Ismaciil Cumar Geelle ayaa dhawaan intii aanu u amba bixin dalka Belgium oo lagu qabanayay kulanka madaxda Qaaradaha Yurub iyo Africa ayaa odeyaal beeshiisa ah ergo ahaanugu u diray madaxda dalada mucaaridka USN.
Ergadan Beeleysan oo u tegay madaxda sare ee USN ayaa sheegay in madaxweyne Geelle soo diray isla markaana uu doonayo in dhexgalaan labada dhan.
Madaxda USN oo soo dhaweeyay ergeda ayaa u sheegay in dhexdhexaadin diyaar u yihiin balse siyaasada dalka ay ka dhexeyso umadda reer Jabuuti oo idil ee aan Qabiil qura xal ka gaari kareyn.
Madaxweynaha Jabuuti ayaa ergada ka doonayay in ay baajiyaan mudaharaadyo ay ku soo dhaweeyeen oo caalamka ay ugu sheegeen xaalada keli telisnimo ee dalkaasi ka jirta.
Mucaaridka Jabuuti ee Yurub ku nool ayaa maalmihii shirku socday dhigay isu soo baxyo balaaran oo caalamka lagu tusay xaalada siyaasadeed ee ka jirta dalka Jabuuti.
Taageereyaasha dalada Mucaaridka Jabuuti ayaa si weyn u soo dhaweeyay in aan siyaasada dalka la beeleyn ee xal loo helo xaalada Qaran ee dalka ka jirta.
SDN-Jabuti
contact@somalidiasporanews.com