|

Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha ee waxaa ka dhaxeeya waa Khilaaf Shaqsiyadeed ee kama dhaxeeyso arrin siyaasadeed

Beryahaan danbe Xiriirka ka dhaxeeya Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisal Wasaaraha Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed wuxuu yahay mid aad u xun hasa yeeshe waxa la isku heysto ma ogtahay?

Xaqiiqdii Baariis dheer iyo War raadin ka dib waxan helay in Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha waxa ay isku heystaan in ay tahay arrin Shaqsiyadeed oo labadooda u dhaxeeysa ogow waxa la isku heysto ma ahan Siyaasad.
Waxaan talo u soo jeedin laha Xidhibaanada Baarlamaanka in ay joojiyaan Mooshiinka ay wadaan hasa yeeshe waxaa loo baahan yahay in ay tahay in heshiis wanaagsan la  kala dhex dhigo labada mas’uul sida ay Diinta Islaamka ay qabto.
Tusaale yar haddii aan idin siyo ee Laba Qof oo Saaxiibo ah ayaa mar mar is Khilaaf ama Nin iyo Naag tiisa markii aad weydiiso oo aad tiraahdo maxaad isku heysataan kuma sheegi karaa jawaabta oo sax ah waxa keliya oo lugu dhahayo waa : Beryaahan Qofkaan Jinigeyga ayaa nacay, taaso ku cadeeyneysa in meesha uu ku Jiro Shaydaan dadka isku dira.
Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha Waxaan leeyahay Maslaxo iyo Wanaag arrimhiina gaar ah ku dhameeya iskana Ilaaliya Shaydanka iyo kuwa wararka xun idin keena, tan kale waa ceeb in aad arrimo gaar ah aad isku heysataan ayado idin talo Dantii guud.
Mahad Sanadiin,
Mr. Dahir Mohammed Sheikh
Email: mr.dahir@live.com
Nairobi Kenya

Comments are closed