Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Gollaha Wakiilada Somaliland oo Shacabka ka tacsiyadeeyay Geri ku timi Guddoomiyihii hore ee Banka Somaliland
Hargaysa 19.Dec.2012 (SDN) Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo waxa uu tacsi u dirayaa Qoyskii Qaraabadii iyo Guud ahaan Qaranka Somaliland ee uu ka baxay Guule naxariistiisii jano ha ugu deeqee Marxuun C.raxmaan Ducaale Muxumed Gudoomiyihii hore ee Baanka Dhexe ee Somaliland oo galabta ku geeriyooday Caasimada Hargaysa.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo waxa uu sheegay in Marxuunku Qayb wax ku ool ah ka soo qaatay horumarka dhinacyada badan leh ee dalkani ku talaabsaday mudadii ka soo wareegtay dib ula soo noqoshada madaxbanaanida Jamhuuriyada Somliland .
Madaxweynuhu waxa uu Marxuunka uga baryay inuu naxariistiisa jano eebe ugu deeqo Qoyskii Qaraabadii iyo Guud ahaan Shacabka Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Iimaan ka siiyo .
INAA LILAAHI WA INAA ILAYHUN RAAJICUUN
geesta kale Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ee Jamhuuriyada Somaliland Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi “Cirro” isagoo ku hadlaya magaciisa,ka Shirgudoonka Golaha Wakiilada,iyo ka Mudanayaasha Golaha Wakiilada ee Somaliland waxa uu dhanbaal tacsi ah u diray Qoyskii,Qaraabadii iyo Guud ahaan Shacabka Somaliland ee uu ka baxay alle ha u naxariistee Marxuun C.raxmaan Ducaale Muxumed Gudoomiyihii hore ee Baanka Dhexe ee Somaliland oo Galabta ku geeriyooday Caasimada dalka ee Hargaysa.
Gudoomiyaha Golaha Wakiiladu waxa uu tilmaamay in Alle ha u naxariistee Marxuun C.raxmaan Ducaale Muxumed uu kaalin muuqata ka soo qaatay dib u dhiska iyo horumarka qaranka ,gaar ahaan doorkii uu ka soo Ciyaaray hirgalinta iyo dhidibo u aasida Lacagta Shilinka Somaliland.
Marxuum- C/Raxmaan Ducaale Muxumed waxa uu ahaa aqoon u lahaa xirfadda baananka. Waxaanu muddo toban sanadood ka badan ahaa Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland.
Gudoomiyuhu waxa uu marxuunka eebe uga baryay inuu naxariistiisii jano ugu deeqo qoyskii qaraabadii iyo Ummada Somaliland Samir iyo Iimaan ka siiyo .
Eebbe ha u naxariistee Marxuun C.raxmaan Ducaale Muxumed ayaa u geeriyooday Xanuun shalay ku soo booday,Marxuunka ayaa lagu wadaa in maalinta beri aas balaadhan loogu samayn doono xabaalaha Naas Hablood beri oo Khamiisa 10 Subaxnimo. .
INAA LILAAHI WA INAA ILAYHUN RAAJICUUN