“Madaxweynaha iyo Al-Shabaab Xiriir ayaa ka dhaxeeya” Xildhibaan Cali Khaliif Galaydh
London 18.Aug 2013 (SDN)-Cali Khaliif Galeyr oo ah Mudane ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iminkana ku sugan dalka Mareykanka ayaa sheegay in Dowladaha Uk,iyo Usa ay ogaadeen in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Al-Shabaab ay gacan saar kawada leeyihiin arimaha Jubbooyinka.
Cali Khaliif Galeyr,wuxuu sheegay in rag ka tirsan Dowladda Soomaalida iyo Al-Shabaab ay xogaha dhanka taleefoonka isku dhaafsadaan.
Safarkii Madaxweynaha Soomaaliya uu ku tagay dalka Mareykanka ayuu sheegay in si wanaagsan loogu soo dhaweeyay Madaxweynaha Soomaaliya oo uusan arkin wafdi Soomaali oo sidaasi oo kale loosoo dhaweeyay.
Galeyr ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha dalka Uk uu si hagaagsan usoo dhaweeyay Madaxweynaha Soomaaliya,taasina ay muujinayso fursadaha ay heshay Dowladda Xasan Sheekh.
Inkastoo Cali Khaliif Galeyr Madaxweynaha Soomaaliya uu ku eedeeyay in arimaha Jubbooyinka gacan saar uu kala leeyahay Ururka Al-Shabaab,ayaa xiriir aan la sameynay afhayeenka Madaxweynaha Eng Yariisoow oo ku sugan dalka isutaga Imaaraadka carabta aysan inoo suuragelin inaan qadka ku helno.
Dowladda Soomaaliya ayaa mowqif cad iska taagtay arimaha Jubbooyinka,maadaama Dowladda ay sheegtay in Dastuurka dalka lala hareermaray dhismaha maamulka muranka uu ka taagan yahay ee Axmed Madoobe.
London SDN.
contact@somalidiasporanews.com