“Madaxweynaha Ismaanu Arag,Heshiiska Na Dhexmarayna Waa Heshiis Caa’iladeed ee Ma ah Heshiis Siyaasadeed.”Muj. Cabdiraxmaan Cabdiqaadir
Hargeysa:Sep,28,2014(SDN/QJ)-Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo ka mid ah Siyaasiyiinta ku bahoobay Madasha Wada-tashiga iyo Toosinta qaranka ayaa beeniyey warar Warbaahintu ka Baahisay oo sheegayey inay Heshiis dhinaca siyaasadda ah wada Gaadheen Madaxweyne Siilaanyo oo ay hore dhinaca siyaasadda uga kala irdhoobeen.
Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo maanta warbaahinta kula Hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa qiray inuu jiro heshiis Hoose oo qorska uu kasoo jeeda iyo Qoyska Madaxweynaha somaliland dhex maray heshiis ay meesha kaga saarayaan colaaddii mudada dhextaalay, isla-markaana ay isku waafaqeen inay dib u alkumaan saaxiibtinimadii mudada soo taxnayd ee taariikhiga ahayd.
Cabdiraxmaan Cabdiqaadir waxa uu isagoo arrimahaas ka Hadlaya ayaa yidhi, “Aniga family-gayga iyo family-ga Axmed Siilanyo waanu heshinay, laakiin heshiskaasi ma aha heshiis siyaasadeede waa heshiis caa’iladeed, waxa kale oo aan idiin sheegayaa heshiiskagayagaa aanu gaadhnay annagu madaxweynaha ismaanu arag, madaxtoyadana ma tegine sheshiiskayagu si guud buu u dhacay.”
Waxa uu mujaahid Cabdiraxmaan Cabdiqaadir ka sheekeeyey saaxiibtinimo gaamurtay oo labada qoys hore u soo dhexmartay, taas oo keentay inay dib boodhka uga jafaan, meeshana ka saaraan qardoofooyinkii dhinaca siyaasada ku kala fogeeyey,
“family-gayga iyo family-ga iyo ka siilaanyo muddo badan baanu is niqiinay oo lixdan sano iyo in kabadan baanu is niqiinay dad aad iyo aad iskugu dhaw baanu ahayn o haddii cidi walaalo noqon karto walaalo ah baanu ahayn oo intii aanay axmed iyo aamina is guursan labada midba goni baanu ila saaxiib ahayn, Markii dambe ee guurkoodu dhacayna haddii aanu reer Cabdiqaadir nahay gacan weyn baanu ku lahayn.” Ayuu yidhi mujaahid cabdiraxmaan cabdiqaadir.
Mujaahidku waxa uu sheegay in colaadda Muddada soo taxnayd ee labada qoys dhextaalay ay jireen dad badan oo isku hawlay daminteeda, balse haatan ka hor uu isagu ahaa shakhsiga kasoo horjeeday in la isu soo dhawaado, waxana uu yidhi,
“Colaad xun baa na dhex martay muddona way socotay labadayada qolaba dadbaa aad iskugu hawlay inay na dhexgalaan oo colaadaas la damiyo, laakiin ma ay dhicin oo inta badan anigaa ka gaws adaygayey oo ay igu adkayd. Anigua markii dambe waan fikiray oo waxanu isla garanay inaanu colaadii jojino.”
Mujaahid cabdiraxmaan Cabdiqaadir waxa uu si cad u sheegay inaanu marnaba ku biiri doonin xukuumadda Kulmiye, isla-maraana aanu jirin wax mansab ah oo usoo bandhigeen inay siiyaan, waxana uu yidhi,
“Anigu kulmiye Noqon maayo dawladda Geli maayo, Kursi anna ma doonan iyana ima siinin oo ninkaa siyaasiga ah ee madaxa Bannaan ee Ra’yigiisa cabirnayaa Baan ahay.”
SDN/QJ