|

Madaxweynaha Ismaamulka Somalida Itoobiya oo Isku Shaandhayn ku Sameeyay Golihiisa Wasiirada iyo Magacyadooda

Jig Jiga 01.March 2014 (SDN)- Madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida Killalka Shanaad ee dalka Itoobiya, ayaa isku-shaandhaynta sameeyey  Golaha Wasiirrada iyo Maareeyayaashii Xafiisyada Heer Deegaan, ka dib makii ay isla caawa Shir isugu yimaaddeen Golaha Wasiirrada Dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, shirkaas oo uu guddoominayey Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar.

cabdi ileySidaa waxa lagu sheegay qoraal dheer oo ka soobaxay caawa Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada Killalka Shanaad ee magaalada Jigjiga. War-Saxaafadedkaas oo nuqul ka mid ah Shabakadda wararka ee Aftahannews heshay, ayaa u dhignaa sidan:-

“1-C/risaaq saxane oo hore u ahaa Mayorka Maamulka Magaalada Jigjiga wuxuu noqday Komishineerka Booliska DDSI

2-C/wahaab Rashiid oo ahaa Maareeyaha Horumarinta Wabiyada iyo Dooxooyinka wuxuu noqday Maareeyaha Kuliyada Cabdulmajiid(TTC)

3-Cabdi Xuseen(Sonkor) oo ahaa Gudoomiyaha Gobolka Shabeele Wuxuu noqday wasiirka Cadaalada 4-Guleed Aw Cali oo ahaa Maareeyaha Xafiiska Naqshada iyo Dabagalka Biyaha wuxuu noqday kuxigeenka Beeraha

5-Yaasiin Cumar oo ahaa kuxigeenka Dakhliga kuxigeenka Beeraha

6-Maxamed Cabdi Xasan(Dhoodhe) oo Hore u ahaan jiray Gudoomiyaha Degmada wardheer wuxuu noqday kuxigeenka Hogaanka N/galyada iyo Cadaalada

7-Cumar Siyaad oo ahaa Wasiirka Dakhliga wuxuu noqday Maareeyaha Wakaalada Naqshada iyo Dabagalka Biyaha

8-Maxamed Cabdi Mawsar oo ahaa Gudoomiyaha Gobolka Nogob wuxuu Noqday Gudiga Dabagalka Xafiiska Madaxwaynaha

9-Cabdi Geedi oo ahaa Gud Deg Jigjiga wuxuu noqday maareeyaha Wakaalada Dakhliga

10-C/casiis maxamed cumar oo ahaa madaxa Maaliyada deg raaso wuxuu noqday kuxigeenka Dakhliga

11-c/fataax sheekh cali caafi oo ahaa madaxa dabagalka Xafiiska maamulka wuxuu noqday kuxigeenka Dakhliga

12-Mudane Wacay xasan oo ahaa Hormuudka Kuliyada TTC waxaa loo bedelay kuxigeenka TTC Qaybta Academic

13-ilyaas abiib oo ahaa kuxigeenka hormuudka TTC wuxuu noqday kuxigeenka TTC Dhinaca mmaamulka Maaliyada

14-maxamed Ibraahin C/laahi Dabagalka Maamulka kuxigeenka N/galyada iyo Cadaalada

15-Guleed Muxumed hore u ahaa kuxigeenka waxbarashada kuxigeenka wakaalada Dhismaha arimaha biyaha

16- axmed maxamed shukri lataliyaha madaxa arimaha xidhiidhka dadwaynaha kuxigeenka waxabarashada

17-Bashiir axmeed aadan waxaa la geeyay Madaxa Horumarinta Wabiyada iyo Dooxooyinka

18-Irshaad Cali Nuur agaasinka Wakaalada cabashooyinka kuxigeenka cadaalada

19-Inj.Subeer C/lahi axmed Proces owner maamulka madaxa Wakaalada Iibka iyo Dhismaha Adeega Gaarka ah

20-amiin Daahir Dabagalka Maamulka lataliyaha wakaalada Warbaahinta

21-c/kuus c/laahi saleebaan kuxigeenka lataliyaha madaxwaynaha Xidhiidhka dadwaynaha

22-cali ugaas cabdi kuxigeenka wakaalada dakhliga wuxuu noqday kuxigeenka iskaashatooyinka

23-faarax jaamaca oo hore u haan jiray gudoomiyaha afdher waxaa loo badalay ku xigeenka xafiiska xidhiidhka arimaha dawlada dhaqanka iyo dalxiiska

24- c/risaaq dayib hor xafiiska xeer ilaalinta iyo cadaalda waxaa loo badalay ku xigeenka wakaalda ilaalinta deegaanka macdanta iyo tamarta

Gobolada:-

1-Maxamuud xaaji cumar oo ahaa Gud Deg Iimay Galbeed wuxuunoqday gudoomiyaha Gobolka shabeele

2-Maxamed axmed Badhcun oo ahaa Gud Deg dh/buur wuxuu noqday Gud Gobolka Afdheer

3-cabdi Cali Mataan(Cabdi ganay) oo ahaa Gud Deg awaare wuxuu noqday Gudoomiyaha Gobolka Nogob.”

Jig Jiga SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed