|

Madaxweynaha Iran:Mareykanka waxaan shacabka Iran uga sidaa Nabad iyo saaxibtinimo

Madaxweyne Xasan Roxaani ayaa shacabka Mareykanka u sharaxay qorsheyaasha ay wado ee lau hagaajinayo heshiiska reer Galbeedka iyo Iran.

Washington Sept 25,2013(SDN)-Madaxweynaha dalka Iran ayaa markii u horeysay kiyoo ku sugan cariga Mareykanka bixiyay wareysi uu uga waramo qorshaha xukuumadiisa ee ku wejahan cilaqaad uu la yeesho Mareykanka.

Madaxweynaha oo u waramay TVga CNN ayaa luuqada Englishta ku sheegay in uu fariin uga sido dadka iyo dawlada Iran.

“Waxaan doonayaa in aan idiin sheego in aan shacabka Iran idiinka sido nabad iyo saaxibtinimo”ayuu luuqada Englishta ku yiri madaxweyne Roxaani.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in dawladiisu u mideysan tahay n cilaaqaad wanaagsan lala wadaago Mareykanka.

Madaxweynuhu mar uu ka hadlay qorshaha dalkiisa ee Nuclear ka waxa uu sheegay in ay haatan diyaar u yihiin gor gortan arinkaa laga galo.

Waxa kale oo uu sheegay in ay haatan deg deg tahay in uu kulan la yeesho madaxweyne Barack Obama.

SDN-Washington
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed