|

Madaxweynaha Galmudug oo Xeelad Dublamaasiyadeed ku oggolaaday in wada-hadal lagu dhammeeyo xiisadda Gaalkacyo

Gaalkacayo 29.Sep 2014 (SDN/QJ)- Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa  ku dhawaaqay inuu oggolaaday baaq Axaddii Doraad uu soo saaray raysul wasaaraha Soomaaliya oo ku aaddanaa in wada-hadal lagu dhammeeyo xiisadda duullimaadyada garoomada Gaalkacyo.

Cabdi Qeybdiid ayaa sheegay inuu maamulkiisa diyaar u yahay inuu wada-hadal la galo maamulka ay deriska yihiin ee Puntland, si meesha looga saaro xiisad colaadeed oo ka dhalata muranka la xiriira isticmaalka garoomada ku yaalla Gaalkacyo.

Wuxuu sheegay inuu ka laabtay go’aankiisii hore ee ahaa in la xiro garoonka Cabdullaahi Yuusuf, wuxuuna intaas raaciyay inuu ku faraxsan yahay in madaxda dowladda iyo xubno ka tirsan beesha caalamka ay soo farageliyeen khilaafka labada maamul oo uu sheegay inuu abuuray xiisad colaadeed.

Photo file

Photo file

Qeybdiid ayaa dhowaan ku eedeeyay maamulka Puntland inuu xiray garoon Galmudug ay ka sameysatay koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Maamulka Puntland ayaa beeniyay eedeyntaas, wuxuuna sheegay inuusan xayiraad ku soo rogin garoonka uu Cabdi Qeybdiid sheegay in loo diiday inay diyaaradaha ka soo degaan.

Raysul wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa Sabtidii  ku dhawaaqay inuu sameeyay guddi heer wasiirro ah oo loo xil-saaray xallinta khilaafka u dhaxeeya maamullada Puntland iyo Galmudug.

Dowladda ayaa ugu baaqday maamullada Puntland iyo Galmudug inay joojiyaan wax kasta oo keeni kara xiisad colaadeed.

Dowladda ayaa sidoo kale ugu baaqday labada dhinac inay billaabaan wada-hadal lagu dhammeynayo khilaafka garoomada. Dowladdu waxay ballanqaadday inay fududeyn doonto qabsoomidda wada-hadallada iyo dhammeystirka khilaafka labada dhinac.

Xukuumadda ayaa sheegtay inay u dirtay labada maamul guddi khubarro ah oo kala shaqeeya arrimaha farsamo ee duullimaadyada.

Raysul wasaaraha ayaa sheegay inuu madaxda labada si qoto dheer ugala hadlay arrimaha khilaafka, wuxuuna ka dalbaday in si nabad ah lagu soo afjaro xiisadda.

Gaalkacayo SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed