|

Madaxweynaha Galmudug oo sheegay in ajaanib lagu dilay dagaalkii Baxdo

Dhusamareb (QJ) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa ka warbixiyay khasaaraha Al Shabaab lagu gaarsiiyay weerarkii ay ku qaadeen deegaanka Baxdo ee hoostaga Cadaado.

Madaxweynaha ayaa sheegay in weerarkaasi Al Shabaab looga dilay 70 dagaalyahan ay ku jiraan saddex nin oo ajnabi ah uusan shaacin waddamada ay kasoo jeedaan.

Madaxweyne Qoor Qoor oo qoraal ka soo saaray dagaalkii Baxdo ayaa ku bogaadiyay maamulka, shacabka iyo culimada degmada Baxdo iyo ciidamada daraawiishta Galmudug, sida ay iskaga difaaceen weerarkii Al-Shabaab.

“Dowladda Galmudug waxa ay ku tilmaamtay dagaalkii lagu jabiyay kooxda argagixisada, mid taariikhi ah, ayna mudantahay in geesinimada ay muujiyeen reer Baxdo in ay kaga tusaale qaataan shacabka Galmudug iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dagaalka Baxdo ku dhexmaray shalay ciidamada degaanka iyo kuwa Al Shabaab oo ahaa mid baaxad leh ayaa waxa ka soo baxaya hadalo kala duwan oo labada dhan ku kala sheeganayaan guulo iyo tiro dad halkaa ku dhintay.

 

Comments are closed