|

Madaxweynaha Faransiiska oo booqday Jabuuti iyo Itoobiya

Addis Ababa (QJ) – Gelinkii dambe ee maanta waxaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya booqasho ku tagay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Addis Ababa, waxaana lagu wadaa in labada dhinac ay ka wada hadlaan iskaashiga iyo arrimaha Geeska Afrika.

Macron ayaa booqasho ku tagay dalka Itoobiya si uu u oofiyo ballan uu horay u qaaday oo ahaa in uu gacan ka geysan doono dhismaha ciidamada badda ee dalka aan badda lahayn. Madaxweyne Macron ka hor inta uusan Addis Ababa tegin waxa uu booqday caasimadda Jabuuti, halkaas oo uu kula kulmay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Macron iyo wafdigiisa ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo shacabkooda, sida lagu xusay bogga uu madaxweyne Geelle ku leeyahay Facebook.

Faransiiska ayaa taageero ka raadinaya dalalka Geeska Afrika ka dib markii uu xumaaday xiriirka uu la leeyahay dalalkii ay horay u gumeysan jireen ee Galbeedka Afrika.

Leave a Reply