Madaxweynaha Dolwadda Fedaraalka Soomaaliya OO ka Qaybgalay Munaasibadda 1july- DAAWO SAWIRO:
Muqdisho, 1july,2015(QJ/SDN)-Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Munaasabad si heer sare ah loo agaasimay xalay kaga qayb galay xarunta gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay munaasabadda ayaa hambalyo ku aaddan 55-guuradii kasoo wareegtay markii gobolada koonfureed ay qaateen xorriyadda u diray shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay caalamka ka joogaan ka codsaday inay midoobaan oo ay garab istaagaan dowladnimada.
Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in dowladda hadda jirta uu xilligeedu ku egtahay sanadka 2016-ka islamarkaasna ay u taallo shacabka Soomaaliyeed cidii ay xilkaasi u dhiibi lahaayeen ama ay ka codsan codsan lahaayeen kuwa hadda jooga in ay xilka sii hayaan.