Madaxweynaha Djibouti oo ka codsaday dawladda Maraykanka in laga caawiyo siddii ciidamo Afrikaan ah loo keeni lahaa xuduuda u dhaxaysa Djibouti iyo Somaliland iyo Madaxweynaha Somaliya oo si aad ah u taageeray
Hargeysa July 19,2014(SDN/QJ):- Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee UCID, Mudane Yusuf Budle oo ka hadlay arrintaa: Ismaciil Cumar Geele anigu waxaan u arkaa in uu yahay nin aad u neceb Somaliland, run ahaantiina haddii uu awood u yeelan lahaa siddii Siyaad Barre ayuu dhulka ku simi lahaa oo baa’in lahaa
Tan iyo maalintii uu ka dhacay qaraxa ismiidaamiska ahaa magaalada Djibouiti ayaa waxa isa soo tarayay ololaha ay xukuumadda Djibouiti ugu jirto in ay arrintaas ku leexiso dawladda iyo shicibka Somaliland. Run ahaantii waxa xaqiiqo ah in labada qof ee qaraxaas ismiidaamiska ah isku qarxiyay ay kasoo kala jeedeen Ethiopia iyo Somaliland, oo weliba ninka hawsha wadey uu isir ahaan iyo nolol ahaanba kasoo jeeday Ethiopia, haba yaraatee aanu wax lug ahna ku lahayn Somaliland, marka laga reebo in uu soo dhex maray Somaliland, iskana soo raaceen gabadha la fulisay hawsha oo iyadu adeece ama daba socda ahayd.
Haddaba, todobaadkii hore ayay ahayd markii uu Madaxweynaha Djibouti si toos ah(official ah) uga codsaday dawladda Maraykanka in laga caawiyo siddii qaar ka mid ah ciidamada nabad ilaalinta ee jooga Somaliya loo keeni lahaa xuduuda u dhaxaysa Djibouti iyo Somaliland, isaga oo ku sheegay qoraalkiisa in ay noqotay wado halaq mareen ah oo halis ku ah Djibouti iyo Ethiopia-ba.
Waxa la filayaa in uu dhawaan Madaxweyne Ismaciil Cumar Geele ku yimaado socdaal dalka Maraykanka isaga oo weliba ka codsaday Madaxweynaha Somalaiya Xasan Shiikh in uu kula kulmo Washington si uu uga taageero codsigiisaas.
Haddaba arrintaas ayaanu isku daynay in aanu wax ka weydiino Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland isaga oo jooga magaalada Addis Ababa. Anaga oo aan haynin xidhiidhkiisa tooska ahna, waxa aanu kala xidhiidhnay safaaradda Somaliland ee Addis Ababa, waxase naloo sheegay in aanay suurto gal ahayn in aanu la hadalno oo uu mashquul ku yahay socdaalka Madaxweyne Siilaanyo uu ku joogo Addis Ababa.
Kadib waxa aanu isku daynay in aanu la xidhiidhno safiirka Somaliland u fadhiya Washington, Mudane Rashiid Gaaruf, hase yeeshee labaddii tilifoon ee aanu ka haynay ayaa midna waxa uu noqday mid la gooyay (disconnected), midka kalena waxa aanu u farnay dhawr fariimood laakiin aan marnaba nalooga soo jawaabin.
Ugu dambayntii waxa aanu la xidhiidhnay Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Xisbiga UCID, Mudane Yusuf Budle oo isaguna degen dalka Maraykanka, waxana aanu weydiinay dhawr su’aalood oo u dhignaa sidatan:</span></p>
Su’aal: Hoghaye, maxaa ka jira in Madaxweynaha Djibouti, Mudane Ismacil Cumar Geele dhawaan imanayo dalkan Maraykanka isaga oo codsanaya in xuduuda ay Djibouti la leedahay S/land la dhigo ciidamo nabad ilaalin oo kasoo jeeda dalal Afrikaan ah?
;”>Yusuf Budle: Warkaas inta aanu ognahay waa war jira, beryahaana socday. Run ahaantii waxa hadda laga shaqaynayaa oo Djibouti iyo dawladda Somaliyaba u tafo xayteen siddii ay aduunka uga dhaadhicin lahaayeen in Somaliland ay halis ku tahay dalalka deriska ah, ciidamo nabad gelyo oo caalamiyana loo dhigi lahaa xuduudaha Djibouti/Somaliland iyo Somaliland/Somaliya (waa xuduudaha Sool iyo Sanaag’e). Arrinkaasu waa arrin jira, waana arrin halis ku ah jiritaanka Somaliland. Run ahaantii arrinkaasu si fudud ayuu u fuli lahaa, haddii aanay dawladda Ethiopia kasoo hor jeedsan, illaa haddana kasoo hor jeedin. Haddii aanay wax is bedelin Madaxweynaha Djibouti, Ismaaciil Cumar Geele iyo Madaxweynaha Somaliya, Xasan Shiikh, labaduba waxa ay u imanayaan arrinkaas Washington bishan soo socota ee August bilowgeeda.
Su’aal: Marka dawladdeenii Somaliland iyo Xisbiyada qaranka oo aad adiguba ka midka tahay madaxdoodii maxaad ka qabateen arrinkaas?
Yusuf Budle: Run ahaantii xukuumaddii shicibka S/land u igmadeen ka midho dhalinta aqoonsiraadiska Somaliland way ka seexatay dhamaanba waajibaadkeedii, mid gudeed iyo mid dibadeedba. Wasiirkii Arrimaha Dibedda ee Somaliland, walaalkay Maxamed Biixi-na waxa uu imika hawsha ugu weyn ka hayaa biyo gelinta Hargeysa, isaga oo dhamaanba ka dhacay arrimaha siyaasadda ee geeska Africa iyo kuwa aduun weynuhu ka leeyihiin geeska Afrikaba. Anagu mucaarid ayaanu nahay, dawladdan hadda jirtaana mucaaridka waxaabay ka jeceshahay oo ay kasoo dhawaysataa kuwa Muqdisho jooga ee danaha Somaliland kasoo horjeeda, laakiin sidaasooy tahay haddana waanu dedaalnaa. Imika bishan oo keli ah laba goor ayaanu UCID ahaan u tagnay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka (US State Department-ka), wax kalena kalamaanu hadlaynin ee arrinkan difaaciisa iyo wax la xidhiidha ayuunbaanu kala hadlaynay.
Su’aal: Xoghaye, waxaan filaynay in ay dawladda Djibouti tahay saaxiib dhow oo ay Somaliland leedahay, maxaa ku kalifaya in ay ciidamo ajaaniba keento xuduuda ay la leedahay S/land?
Yusuf Budle: Dadka reer Djibouti waa dad walaalaheena, xidhiidh dhaqan, dhiig iyo dhaqaalena inaga dhexeeyo, LAAKIIN, Ismaciil Cumar Geele anigu waxaan u arkaa in uu yahay nin aad u neceb Somaliland, run ahaantiina haddii uu awood u yeelan lahaa siddii Siyaad Barre ayuu dhulka ku simi lahaa oo baa’in lahaa. Run ahaantii anigu waxaan u arkaa in saaxiibka koowaad ee ay S/land leedahay ay tahay Ethiopia, cadawga koowaad ee somalilan-na uu yahay xukuumadda Ismacil Cumar Geele ee Djibouti. Kolay sidaanu wax u ognahay uma wada sheegi karno, wax walba wakhti ayay leeyihiin, Insha Allah wakhtigeedana waanu ka hadlidoonaa.
Su’aal: Dawlada Somaliland maxay uga hadli weyday arrimahan?
Yusuf Budle: Horta Dawladda Djibouti waxay soo adeegsataa dad u dhashay Somaliland oo lagu tilmaamo ganacsato, laakiin run ahaantii loo maal geliyay in ay Somaliland wiiqaan oo ay ka dhigaan meel mar kasta hoos joogta Djibouiti. Iyada oo taas ku guulaysatay ayaa haddana waxa timid dawlad qatan ama qaawan (xukuumadda Kulmiye) oo ilaa wasiiradeedii lagu taxay baasbooro Djiboutian ah. Sidaasooy tahay ragbaa jira xukuumada S/land ku jira oo arrimahaas oo dhan kasoo horjeeda, intii itaalkooda ahna ka dagaalama, si xoog lehna u fahansan meesha uu Ismaaciil la rabo S/land. Iyada oo ay intaasuba jirto ayaa haddana ay dawladda Djibouti u qortay mushaarooyin tiro badan xubno badan oo xukuumadda iyo mucaaridkaba ku jira oo haddii aad soo hadal qaado xukuumadda Djibouiti iyo cadaawadda ay u qabto s/land dagaal toos ah kugu qaadaya oo cir iyo dhulba kaasoo weeraraya.
Su’aal: Ku celi halkaas… Ma waxa jira dad Somaliland xukuumadeeda u shaqeeya iyo kuwo madax mucaaridda oo dawladda Djibouiti mushaaro siiso?
Yusuf Budle: Haa adeer, way jiraan oo waxa jira rag darajooyin aad u waaweyn ka haya xukuumadda iyo Mucaaridkaba oo mushaaro uga xaadira bil kasta xukuumadda Djibouti. Miyaad ogtahay adeer in sanadkan oo keli ah dawladda Djibouti siisay in ka badan 250 baasboor oo Djibouitian ah madax Somaliland ah oo isugu jira wasiiro, wasiiro kuxigeeno, maareeyayaal, madaxda sirdoonka Somaliland, madaxda ciidamada qaranka iyo kuwa booliiskaba iyo weliba madaxdaas xubnaha qoysaskooda, sida ciyaalkooda iyo xaasaskooda.
Su’aal: Ok, aan kusoo noqono arrinkan ciidamada la rabo in la keeno xuduuda S/land iyo Djibouti. Bal noo balbalaadhi waxa aad ka og tahay iyo waxa aad ka yeelaysaan?
Jawaab: Ugu horayn dawladda Ismaciil Cumar Geele waxay u xadhko xidhatay siddii ay uga dhaadhicin lahayd aduunka in aan laga maarmayn in Ciidamo la dhigo xuduudaas. Dhinaca kale maamulka Puntland oo ay adeegsanayso dawladda Muqdisho waxa ay iyaguna rabaan in ay aduunka ka dhaadhiciyaan in xuduuda S/land iyo Somaliya, gaar ahaan goboladda Sool iyo Sanaag ay yihiin goobo bahalo galeen ah sidaas daraadeedna ay lagama maarmaan tahay in lagu daro goobaha aduunweynuhu ilaaliyo, ciidamana la keeno. Xukuumadda S/land ilaa hadda inta aan ka ogahay cidda keli ah ee ay arrinkaas kala hadashay waa dawladda Ethiopia oo iyadu markeeda horeba kasoo horjeeday qorshayaasha ay wadaan maamulada Djibouti, Somaliya iyo Puntland-ba. Wasiirka arrimaha Dibedda ee S/land hawshiisii u weyneyd waxa ay ku ekaatay arrinka biyo gelinta caasumadda oo aynu ognahay weliba in khasaaraha uu keenay ay aad uga badan tahay faa’iidada uu ka keenay. Anaga, UCID ahaan, waajibka nasaaran waa mid la mid ah kan xukuumadda saran, inkastoonaan lahayn awooda xukuumaddu leedahay, marka si aanu uga soo baxno waajibkaas waxa aanu samaynay wax kasta oo awoodayada ah. Waxa aanu la kulanay laba goor Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, waxa aanu arrintaas si toosa ugala xidhiidhnay dawladda Ethiopia oo 100% nagu raacday in dhibaatada ka iman kartaa ka weyn tahay faa’iidada ay keeni karto. Waxa kale oo aanu waraaqo badan u qornay cid kasta oo ay khusayso, gaar ahaan dalalka Europe iyo xarunta dhexe ee Midowga Europe. Anaga fikirkayaga iyo dooda aanu la hor tagnay dawladaha aanu kala xidhiidhnay waxa ay tahay: Somaliland waa nabad, sida aynu wada ognahayna gacan bir ah ayay kula dagaalantaa cid kasta oo ku lug leh argagixisada gudaha iyo dibeddaba. Haddii la keeno ciidamo ajaaniba Somaliland, xuduuday toontaba ha ahaatee waxa imanaysa in ay noqoto meel faraha ka baxda oo hadhoow isu bedesha xarun ay usoo haajiraan argagixisada aduunku si ay ula dagaalamaan ciidimadaas la keenay. Waxa kale oo iyana imanaysa in dadka shicibka ah ee hadda iyagu dalkooda ilaashayaa noqdaan kuwo u arka in ciidamo ajaaniba laga dul keenay, sidaa daraadeedna ay suurto gal tahay in ciyaalka yaryar iyo dadka masaakiinta ah maskaxda laga xado oo laga dhaadhiciyo in ay sax tahay in ay raacaan dhinaca argagixisada, iwm. Ugu dambayn, doodayada ugu weyni waxa ay tahay in haddii ay S/land u qasanto sida Somaliya in ay uga halisan tahay Ethiopia, gacanka cadmeed (Red Sea) iyo weliba Djibouti ayna si fudud argagixisadu uga weerari karaan meelo badan oo imika ay ku adagtahay in ay gaadhaan, sida ciidamada Maraykanka u fadhiya Djibouti, iwm.
C/risaak Qaasaali (Biito)
Columbus, OHIO, USA