Madaxweynaha DDS oo jigjiga ku laabtay iyo 20-ka Ginboot oo Itoobiya Maanta laga xisayo
Jigjiga, 28, May 2012 (SDN)- Wefti uu hogaaminayay Madaxwaynaha DDS Cabdi Maxamuud Cumar oo todobaadadii u dambeeyay socdaal ku marayay deegaano ka tirsan DDS ayaa shalay ku soo laabtay xarunta DDSI ee Jigjiga.
Weftigani waxay socdaalkooda ku soo mareen magaalooyinka Dhagaxbuur, Godey, Qabri dahare iyo meelo kale.
Kuwaasoo sida wararku sheegayaan ay Madaxweynaha weftigiisa ay indha indhaynayeen hawlaha wax soo saarka ee deegaanadaas.
Dhinaca kale, waxa maanta si wayn looga xusayaa guud ahaan dalka Itoobiya maalinta xornimada uu dalkaas ka qaatay keligii taliyihii Mingiste Hayle Mariam oo lagu magacaabo 20-ka Ginboot.
SDN, Jigjiga