Madaxweynaha dawladda Puntland Oo Xariga Ka Jaray Dhismayaal Loogu Tala Galay Dadka Barakacayaasha Ah Ee Ku Nool Gaalkacayo(SAWIRO)
Gaalkacyo April 11,2014(SDN)-Madaxweynaha dawladda Puntland Oo Xariga Ka Jaray Dhismayaal Loogu Tala Galay Dadka Barakacayaasha Ah Ee Ku Nool Gaalkacayo.
Madaxweynaha Dawladda Puntlandi Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas ayaa xariga ka jaray guryo ka kooban 483-guri kuwaasi oo loog tala galay
inay hoy ka dhigtaan dadka barakacayaasha ah ee ku sugan Magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug.
Gurayahan ayaa waxaa 483- ka mid ah ku deeqday hay;’adda NRC oo ka mid ah hay’adha ka shaqeeya Puntland, halka loo dhisay dadka
barakacayaasha ah ee ku sugan magaalada Gaalkacayo, halka 200- oo gurina ay ku deeqday hay’adda DRC oo iyaduna qayb ka ah hay’adaha ka
shaqeeya arrimaha bulshada.
Dhismayaashan oo laga kala dhisay kaamamka barakacayaasha ee Hala-booqad iyo Salaama ayaa sidoo kale wuxuu Madaxweynuhu udhagax
dhigay suuq u gaar ah, waxaana dhismaha suuqaasi fulisay hay’adda DRC kaasi noqonaya suuq ay si gaar ah uga adeegtaan dadka barakacayaasha ah ee kunool labadaasi xaaafadood.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdi-weli Intii uu ku sugnaa xaafadaha dadka barakacayaasha ah waxa uu kala kulmay soo dhoweyn
diiran, iyagoo sheegay in Madaxweyne Gaas uu noqday Madaxweynihii ugu horeeyey oo soo booqda, isla markaana ay ku faraxsan yihiin guryaha uu xariga uga jaray ee maanta lagu wareejiyay.
Kormeeradan kala duwan iyo xarig jarida wadooyinka iyo guryaha barakacayaasha ee Madaxweynaha Dawladda Puntland uu maanta ka sameeyey magaalada Gaalkacayo waxaa ay qayb ka yihiin shaqooyinkii rasmiga ahaa ee wafdiga Dawladdu ay u tageen Gobolka Mudug inay ka fuliyaan.
SDN/QJ-Gaalkacyo