Madaxweynaha Dawlada Federaalka oo Furay Fadhigii 4-aad ee baarlamaanka Soomaaliya
Muqdisho 22.March 2014 (SDN)- Fadhigii afaraad ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho, kaddib muddo bil ah oo ay fasax ku maqnaayeen mudaneyaasha.
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay fadhiga ayaa xildhibaannada uga mahad-celiyay sida ay u gudanayaan howlahooda dastuuriga ah.
Guddoomiyaha baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa kula dardaarmay xildhibaannada inay dardar-galiyaan howlaha qaran ee horyaalla.
Jawaari ayaa sheegay in xildhibaannada laga sugayo meel-marinta 25 hindise-sharciyeed oo horyaalla, si dalka loo gaarsiiyo doorasho xor ah oo dhacda sanadka 2016-ka.
Dhinaca kale, guddoomiyaha baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa tacsi u diray ehellada xidhibaan Shariif Saalax Maxamed Cali oo ah xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka Soomaaliya, kaas oo shalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho.
Muqdisho SDN.
Qurbejoog.com