|

Madaxweynaha Dawlad degaaka Soomaalida Itoobiya oo lagu wado in xilka laga qaado dhawaan

Jig Jiga Sept 01,20149SDN/QJ)-Wararka naga soo gaaraya khilaaafkii siyaasadeed ee soo kala dhex galay madaxda maamulka Soomaalida Itoobiya ayaa waxa laga yaaba in maal maha soo socda uu sababo xil ka dhagis lagu sameeyo Madaxweyne Cabdi Muxumad Iley.

Khilaafkan ayaa kolkuu mudo socday waxa soo faro gelisay dawlada dhexe dalka Itoobiya oo la sheegayo in ay laheyd soo jeedinta xil ka xayuubinta Madaxweyne Iley.

Wararka la isla dhex marayo caasimada dawlad degaanka Soomaalida ee Jig Jiga ayaa tibaaxaya in maalmaha soo socda ay suurtogal tahay in Madaxweyne Cabdi Iley xilka laga xayuubiyo.

Xilka xayuubinta ayaa lagu wadaa in ay dhacdo kulan uu yeelan doono xisbul xaakumka dawlad degaanka Soomaalida.

Madaxweyne Cabdi Iley ayaa ahaa madaxweynihii uGu awoodaha badnaa ee degaanka Soomaalida Itoobiya Soo mara, waxaana arinkaa loo aaneynayaa xiriir dhaw oo uu la lahaa dawlada dhexe.

Dawlada dhexe ee Itoobiya ayaa la dhacday sidii uu Madaxweyne Iley uga hawlgalay kala fur furkii jebhadii ONLF ee dagaalka mudada dheer dagaalka kula jirtay mudada dheer.

SDN/QJ-Jig Jiga

contact@qurbejoog.com

Comments are closed