Madaxweynaha Dalka Ruushka Oo Booriyay Wadahadallada Ukraine
Ruushka (SDN/QJ)- Madaxweynaha dalka Ruushka Putin ayaa ku baaqay wadahadal degdeg ah oo looga hadlayo sidii dowlad ay u noqon lahaayeen gobollada bariga dalka Ukraine,
Mr Putin ayaa sheegay waxa uu ku tilmaamay “Danaha sharciga ah” ee dadka ku nool bariga dalka Ukraine inay waajib tahay in la difaaco.
Hadalka Mr Putin ayaa imaanaya maalin ka hor, wadahadalada lagu qabanayo Minsk, ee u dhexeeya Ukraine, Ruushka iyo Midowga Yurub, si looga xaajoodo qalalaasaha.
Kullankaasi ayaa daba socdo digniinaha Brussels iyo Kiev ee ah in gobolkaasi uu ku dhow yahay inuu ku dhaco xaalad aan ka soo noqosho lahayn.
Madaxweynaha Ruushka ayaana si adag u cambaareeyay taageerada reer Yurub ay siiyaan dowladda Kiev.
Dhanka kale, warbaahinta Ruushka ayaa ku warramaya in Ukraine ay Ruushka ku wareejisay maxaabiis, halka Ruushkana uu kaga badashay 63 maxaabiis askar Ukraine ah.
Xigasho: BBC