|

Madaxweynaha dalka Iran oo Tehran dib ugu noqday iyo soo dhaweyno kala duwan oo lagu qaabilay

Tehran Sept 29,2013(SDN)-Madaxweynaha Dalka Iran Xasan Rooxaani ayaa dib ugu noqday magaalada Tehraan ka dib safar uu ku tegay xarunta QM ee magaalada New York.

Madaxweynaha Iran ayaa intii uu ku guddo jiray safarkiisa Qaramada Midoobey waxa uu guulo ka gaaray sidii la isugu soo dhaweyn lahaa dalalka reer Galbeedka iyo Iran.

Waxaana uu khadka telephonek-ka kula hadlay madaxweynaha Mareykanka Barack Omama waana markii u horeysay ee madaxweyneyaasha labadaa dali ay wada hadlaan mudo dhawr iyo sodon sanadood.

Madaxweyne Rooxaani ayaa haatan ay u bilaabatay sidii uu xagjiriinta dalka Iran uga dhaadhicin lahaa isbedelkan siyaasadeed.

Hogaamiyeyaasha ciidamada dalkaasi oo si dhaw ula socday tilaabooyinka madaxweyne Rooxaani ayaa ka biyo diiday in labada madaxweyne Kulmaan.

kolkii uu madaxweynaha Iran dib ugu noqday xarunta dalkaasi ayaa waxa gacmo furan ku soo dhaweeyay taageereyaasha isbedel lagu sameeyo siyaasada dalkaasi.

Halka taageereyaasha xagjiriinta dalkaasi ay si weyn ugu muujiyeen soo dhaweyntiisa diidmadooda ku wejahayn wadahadalkii uu la yeeshay madaxweyne Obama.

Waxaaney taageereyaasha xagjiriinta Iran ee mudada ku hawlanaa sidii ay u hubin lahaayeen in reer Galbeedku aaney saameyn ku yeelan siyaasada dalkooda ayaa ku qeylinayay “Mareykanku ha halaagmo”.

Madaxweyne Xasan Rooxani ayaa waxa uu taageero buuxda ilaa iyo haatan kla heystaa hogaamiyaha ruuxiga ah ee dalkaasi Cali Khameni.

Inta uu taageeradaa heystana waxa suurto gal ah in uu guulo ka soo hooyo wadahadalada uu doonayo in uu la yeesho reer Galbeedka.

Rooxaani ayaa dareensan baahida Iran u qabto in la debciyo cunaqabateynta dhaqaale ee caalamku dul dhigay.

Waxaanu dareensan yahay hadii aan cunaqabateynta la qaadin in ay suurto gal tahay kacdoon dalkaasi ka dhaca.

SDN-Tehran
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed