Madaxweynaha Cusub ee Puntland Oo Qoraal Ku Sheegay Tallaabooyin Maamulkiisa U muhiim ah Balse Fulintoodu Adagtahay
Garowe:12-Jan-2014 (SDN)-Madaxweynaha Cusub ee Maamul-goboleedka Puntland, ayaa markii ugu horraysay Qoraal ku faahfaahiyey waxyaabaha uu qaban doono kadibmarka uu soo dhiso Golihiisa Wasiirrada Cusub ee laga sugayo.
Mudane Gaas oo xalay war qoraal ah oo uu soo saaray Nuqul ka mid ahi soo Gaadhay Qurbejoog.com, ayaa muujiyey inay ka Go’antahay inuu shir ballaadhan iskugu keeno Shacabka reer Puntland, kaas oo uu sheegay in looga jeedo sidii umadda loo midayn lahaa.
Qoraalka ayaa sidoo kale waxa lagu muujiyey Hannaan istaraatiijiyadeed oo wax lagaga qaban doono Shaqo la’aanta iyo tahriibta haysata Da’yarta Reer Puntland, waxana uu qoraalkaasi u dhignaa sidan:
“Waxaan u Sheegayaa Dhamaan Bulsho Waynta Reer Puntland Markaan Ka Soo Baxno Dhismaha Dawlad Qaran oo ay Leedahay Puntland Waxaanu Rabnaa Inaanu Ka Shaqayno Arimahan Soo Socda.
1. Inaanu Ka Shaqayno
Sidii aanu U Qaban Lahayn Shir Guud oo ay Iskugu Iman Doonaan Dhamaan Bulsho Waynta Reer Puntland Kaas oo Lagaga Tashan Doono Midnimadda Reer Puntland,
2. Inaanu ka Shaqayno In Ay Helaan Dhamaan Ciidamadda Reer Puntland iyo Shaqaalaha Reer Puntland Mushaharkoodii oo Dhamaystiran,
3.Inaanu Ka Shaqayno Kobcinta Dhaqaalaha Umaddan Reer Puntland ee ay Haystaan Dhibka Badan ee Hoos u Dhaca Dhaqaalaha iyo Kor u Kaca Lacagta adag
4. Inaanu Ka Shaqayno Sidii aanu uga Hor Tagi Lahayn
A. TAHRIIBKA
B. BUDHCADNIMADDA
C. BUDHCAD BADEEDKA
Si Looga Hortago Arimahaas Waxaanu Samayn Doonaa ,
Shaqo Abuur Dhalinyarta Jaamacaddaha Iyadoo Lagu Salaynayo Cadaalad iyo Sinaan,
Inaanu Ka Shaqayno Maal-Galin iyo Taageerid aanu Taageerno Dabka ku Dhibaataysan Dalka Gudihiisa ee Danyarta ah .
5. Ka Hor Tagga Sicir Bararka iyo Dhaqaale Xumida umadeena Haysata ee Kaliftay inay Bataan Dhimashadda iyo Tahriibku .
Madaxweyne Cabdiweyli ayaa qoraalkiisan ku muujiyey arrimo Dhaxal gal ah oo horumar gaadhsiin kara Shacabka Reer Puntland, balse waxa aan si fiican loo garanayn Habka uu u fulin doono.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com