|

Madaxweynaha cusub ee Kenya oo maanta la caleemo saaray iyo waxa laga filayo

Nairobi. 13 September, 2022. (QJ)- Dalka Kenya ayaa yeeshay maanta madaxweynaha shanaad ee Jamhuuriaydda Kenya, iyadoo si rasmi ah loo dhaariyay William Ruto oo hore usoo noqday madaxweyne ku xigeenka dalkaas.

Ruto ayaa ku guulaystay doorashooyinka la qabtay bishii hore isagoo codad aan badnayn kaga adkaaday murashaxa la tartamayay Raila Odinga, oo isna deedafeeyay guusha uu gaadhay Ruto oo uu ku tilmaamay mid ku timi musuq iyo wax is daba marin.

Madaxweynah cusub ee Kenya ayaa xilka kala wareegay Uhuru Kenyata oo ay is hayeen sanaidhii lasoo dhaafay walaw ay isku xafiis ahaayeen, hadana iskuma niyad samayn waxaana la ogaa in Kenyatta uu dagaal adag la galay Ruto sidii aanu u noqon lahayn madaxweynaha bedelaya, balse ugu danbayn wuxuu ku wareejiyay seefta talo iski dhiibka ah munaasibad dunida laga daawanayay.

Ruto ayaa la filayaa in uu hagaajiyo xidhiidhka dawladaha jaarka ah oo Soomaaliya ka mid tahay, waxaana la filayaa in uu sii anba qaado heshiisyada ay dhawaan wada galeen labada waddan ee Soomaaliya iyo Kenya oo muddo xurgufi ka dhaxaysay.

Kenya waa dal saamayn wayn ku leh Bariga Afrika iyadoo dhaqaalaha dalku aad u korayay sanadihii lasoo dhaagay, isla markaana caasimadda Nairobi ay noqotay meel udnidu iskugu timaado Afrika

Comments are closed