Madaxweynaha Axmed Siilaanyo oo dhaqangaliyay Xeerarka Sirdoonka Qaranka iyo ka mihnadlayaasha Caafimaadka .
Hargaysa 09.Jan(SDN)
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu maanta digreeto madaxweyne ku Dhaqan-geliyey Xeerka Hay’adda Sirdoonka Qaranka Xeer Lr. 59/2012.
Labada Warsaxaafadeed oo uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul ayaa u dhignaa
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Go’aanka Golaha Wakiilada JSL, Go’aan Lr. GW/G/KF-19/581/2012 ee ku taariikhaysan 27/12/2012 ee ay ku ansixiyeen Xeerka Hay’adda Sirdoonka Qaranka Xeer Lr. 59/2012;
Wuxuu Soo Saaray
Dhaqan-galka Xeerka Hay’adda Sirdoonka Qaranka Xeer Lr. 59/2012 ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Dhinaca kale Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu maanta digreeto madaxweyne ku Dhaqan-geliyey Wax Ka-beddelka iyo Kaabista Xeerka Guddiga Mih-nadlayaasha Caafimaadka.
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Go’aanka Golaha Wakiilada JSL, Go’aan Lr. GW/G/KF-19/582/2012 ee ku taariikhaysan 27/12/2012 ee ay ku ansixiyeen Wax Ka-beddelka iyo Kaabista Xeerka Guddiga Mihnadlayaasha Caafimaadka Xeer Lr. 19/2001;
Wuxuu Soo Saaray
Dhaqan-galka Wax Ka-beddelka iyo Kaabista Xeerka Guddiga Mihnadlayaasha Caafimaadka Xeer Lr. 19/2001 ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Hargaysa SDN