|

Madaxwayne Siilaanyo oo Wasiirkiisa Daakhiliga ku diiday Xeer Akadamiyadu u Diyaarisay Booliska Somaliland, muxuu diidmada ku sababeeyay?

Hargeysa 08, May 2012 (Qurbejoog.com)- Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ka biyo diiday xeer Akadamiyada Nabada iyo Horumarku u diyaarisay ciidamada Booliska Somaliland, kaasoo uu u gudbiyay wasiirkiisa Arimaha Gudaha Maxamed Nuur Carraale (Duur), waxaana la sheegay in Madaxwaynuhu ku qancay xeer cusub oo ciidamada Boolisku samaysteen, isla markaana ay meel-mariyeen golaha wasiirradu.

Madaxwayne Axmed Siilaanyo ayaa dhaqangalinta xeerka ciidamada Booliska ay u diyaariyeen Akadamiyada Nabadu ka dib markii uu ka waayay qodobo sheegaya inuu yahay Abaanduulaha guud ee ciidamada qalabka-sidda ee Somaliland, isla-markaana uu dib ugu celiyay wasiirkiisa Arimaha Gudaha, balse Madaxwaynuhu wuxuu ku qancay xeerkaasi la mid ah oo Boolisku diyaariyeen, laguna muujiyey awoodaha Madaxwaynaha ee dhinaca ciidamada gaar ahaan Booliska.

Jariirada Indian Ocean ayaa lagu baahiyey in wasiirka arimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale (Duur) uu aqbalay in xeerka akadamiyadu soo diyaarisay uu ku bedelo ka booliisku diyaarsadeen, waxaana wargeysku sheegay in wasiirku aqbalay 26-ka bishii April lee Sanadkan, kuna bedalay si golaha wasiirada loogu gudbiyo.

Jariiradu waxa kale oo ay tilmaantay in markaa ka dib hay’adda Akadamiyadu wasiirka u sharaxeen xeerkan ay booliska u diyaariyeen, iyagga oo ugu sheegay in hanaanka uu u qoran yahay ka wanaagsan yahay ka booliska diyaariyeen, iyadda oo wargeysku sheegay in haddana wasiirku dib u qaatay xeerkii Madaxwaynuhu saluugay, isaga oo Taliyaha booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan ku amray inuu xeerkii hore ee ay diyaariyeen (Xeerka Madaxwaynuhu ku qancay) ku badalo kan cusub una gudbiyo Madaxwaynaha Somaliland, laakiin Wargeyska Indian Ocean waxa uu Taliyaha booliska u sheegay in xeerkan aanay ku jirin qodobadii sheegayey inuu yahay Taliyaha guud ee ciidamada qalabka sidda.

 

Sources: Indian Ocean Newspaper.

Abshir Askar

Comments are closed