|

Madaxwayne Siilaanyo oo Tacsi u Diray Marxuum Axmed Maxamed Halac oo ku geeriyooday Dalka Sweden

Hargeysa, 09, May 2012 (SDN)- Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Tacsi u diray Marxuum Axmed Maxamed Halac oo ku geeriyooday wadankaSweden.

Tacsida Madaxwaynuhu u dirayo ayaa u dhignayd sidan “Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland, ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee MARXUUM, AXMED MAXAMED HALAC oo ku geeriyooday Waddanka Sweden, 07/05/2012, MARXUUMKU waxa uu ka mid ahaa Aas-aasayaashii SNM, dhinaca kalena waxa uu ka mid ahaa saraakishii ugu horaysay ee Ciidamada Booliska Jamhuuriyada Somaliland, Markii ay Somaliland Madaxbanaanida ka qaadatay Boqortooyada Ingiriiska,

Marxuumku tan iyo xiligiis waxa uu bulshada dhexdeeda ku lahaa taariikh iyo sumcad weyn

Madaxweynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa MARXUUMKA, inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Dhammaan Shacbiga Reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo. IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN.

Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse)
Afhayeenka Madaxtooyadda JSL

SDN, Hargeisa

Comments are closed