|

Madaxwayne Siilaanyo Oo Caawa Wasiir-Ku-Xigeeno Cusub U Magacaabay Wasaarradaha Ganacsiga Iyo Caddaalada.

Hargeysa 5 Feb 2013(qurbejoog)  Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa caawa Magacaabay laba Wasiir ku xigeen oo ay yeelan doonaan Wasaaradaha Caddaalada iyo Ganacsiga.

War-saxaafadeedka lagu shaaciyey xilalkan cusub ayaa u dhignaa sidan:

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu Digreeto madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/XERM/249-1573/022013 ku magacaabay laba wasiir ku xigeen kuwaas oo uu u magacaabay wasaaradaha Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Wasaaradda Ganacsiga ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:                Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:      Ahmiyadda weyn ee ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka;

Markuu Ka Fiirsaday:  Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu ku Qancay:      In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

1. In Mudane, Aden Diriye Cigaal, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga ee Jamhuuriyadda Somaliland.

2. In Mudane, Nuur Cismaan Guuleed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH
Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Comments are closed