Madaxwayne Hassan Sheikh Mohamoud: Oday-Dhaqameedyadu beec Ma Ahee ‘Diyaari Aqalka Odayada
Waa arin la filanayey in madaxwaynihii ilaa hada ka cagajiidaayey diyaarinta iyo dhisida aqalka odayaasha Soomaaliyeed ee lagu ansaxiyey Dastuurka cusub ee Federaaliga ahi, in uu hada martiqaad u fidiyo Oday-Dhaqameedyo Soomaaliyeed, waa sida ay qortey shabakada Afka Dowlada ku hadasha ee loo yaqaan ‘Radio Muqdisho’.
Arintaanoo loo badinaayo inay sahashay culayska siyaasadeed ee isa soo taraaya oo madaxwaynaha uga imanaaya dalka dibadiisa iyo gudahiisaba. Ha ahaadeed wadamada bixiya deeqda iyo qarasha loo fidiyo Soomaaliya, jecelna in ay arkaan Soomaaliya oo lugaheeda ku istaagtey iyo UNta. Sidoo kalena, waxaa arintaan sahashay culays loo badinaayo in uu ka imanaayo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed “Daljoogta” iyo gaar ahaan QurboJoogta oo si aada uga xumaadey dhacdadii la xariirtey qaxootigii Soomaaliyeed ee Nairobi iyo agagaarkeed deganaa.
Arinta ugu wayn ee ka soo baxay martiqaadkaas, waa sida ay qortey shabakada dowlada, fikrada ay aqalka madaxtooyada damacsan tahay in odayaasha la geeyo wadamada ku yaal Africa oo uu saameeyey dagaal sokeeye, si odayaasha Soomaaliyeed wax uga ogaadaan nabada iyo dagaalka waxa u dhaxeeya. Taasoo lagu maamuusaayo dagaalkii sokeeyo ee dalka ka dhacay, uuna rubuc qarni u buuxsami doono sanadku markuu yahay 2015 – inkastoo arintaan la isku qilaafsan yahay madaama uu dagaalku si dhaba u bilowday dhamaadkii bishii laba iyo tobnaad ee sanadkii 1990kii.
Si kastaba ha ahaatee, fikirka aqalka madaxtooyada ay odayada dalka dibadiisa ugu wadaan, waxay la xariirtaa xuska maalintii uu dagaalkii sokeeye bilowday, oo sanadka 2015kana uu u buuxsamidoono Rubuc Qarni. Ma xumo in Oday-Dhaqameedyada la siiyo dhaqaale dalxiis oo ay ku hilmaamaan wixi ay soo mareen, hase yeeshee, sow arintaan kuma habooneen in la abaabulo xus balaaran oo dalka lagu qabto, Oday-Dhaqameedyada Soomaaliyeed oo dhana lagu martiqaado madaama ay iyagu ahaayeen kuwa ALLAH noo soo diray ee ku dadaalay in dagaalku uusan fidin.
Sidoo kale, arintaan waxaa loo fasiran karaa in ay tahay mid dhaqanka Soomaaliyeed ku cusub, maxaa yeelay odayada Soomaaliyeed ee aan naqiiney waxay lahaayeen taariikh dheer, taariikhdaasoo ay ka dhexleen odayadii ka horeeyey, iyada oo looga dardaarmay in markasta ay maskaxda ku hayaan in “Soomaalidu isdili jirtay, kana heshiin jirtey iyaga dhexdooda”. Odayada Soomaaliyeed oo xirfadooda ka dhexlay odayadii hore, ayey howshooda ugu wayn tahay xilka ka saaran in ay nabad waarta ku hogaamiyaan dadkooda iyo dadka ay degaanwadaaga yihiin.
Marka dalalka Africa, dalka dhaqan ahaan la mida dalka Soomaaliya? Waa wadankee wadamada Africa dalka uu dagaalka Sokeeye ka dhacay, oo ay dadkoodu sida Soomaalida oo kale ay boqolkiiba boqol Muslim yihiin, isku af ku yihiin, isla markaana ay isku jinsi yihiin marka laga reebo wadamada waqooyiga Africa? Wadamada Waqooyiga Africana, wadanka keli ah ee uu dagaal la mida dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya ka dhacayna, waa wadanka Libiya, isaguna weli ma degena. Hadii ay noqoto in uu madaxwaynahu odayaasha geeyo Libiya, iyadana ma aha mid layaab leh. Sababtuna waxay tahay qaarka ka mida gobolada wadanka Liibiya oo iyagu codsaday in wadakooda lagu xukumo nadhaamka Federaaliga ah, ayaa waxaa is hortaagay xakuumada dalkaas hada ka talisa oo ay u badan yihiin dadka dega dhinaca Galbeedka iyo caasimada Triboli, iyagoo kasoo horjeedsadey codsigii ay dadka Bariga Libiya ay usoo jeediyeen – kaas oo ahaa in nadhaamka Federaaliga ah lagu xukumo wadanka Liibiya.
Mida kale, Aqalka Oday-Dhaqameedyadu sida uu qabo dastuurka cusub, hirgelintiisa ayaa waxay ka mid tahay waxyaabaha dadku ilaa hada iswaydiinayaan waxa uu la hirgali la’a yahay madaama qodobkaas lagu ansaxiyey dastuurka cusub. Sidoo kale, qarashka lagu bixin lahaa dalxiiska odayaasha, oo ay ku booqan lahaayeen wadamo dagaal ka dhacay, waxaa dhaami lahayd, marka laga eego faa’iidada laga dhaxli karo qarashkaas iyo saamaynta mustaqbalka wadankeena, waxaa uu madaxwaynahu ku bixinlahaa qarashkaas ‘Diyaarinta, Dhisida iyo Meelmarinta Aqalka-Odayadaasha Soomaaliyeed oo aan marna laga maarmin’
Waxaa qoray Mohamed Barre – Junlay “Buluf”oo wax ka qora arimaha Soomaalida, degana magaalada Minneapolis, MN – junlay99@aol.com