|

Madaxwayne Hassan Sheikh Mohamoud Hurdada Kama Kaceen Hadaysan Ahayn ‘Shabakadaha Wararka’

Dadkii ka damqadey sida ciidamada GSUda ula dhaqmeen hooyooyinka , gabdhaha iyo caruurta Soomaaliyeed, ayaa waxaa ugu horeeya SHABAKADAHA wararka ee sida gaarka loo leeyahay. Ha ahaadeen kuwa SOOMALILAND, PUNTLAND, ama kuwa Baydhabo, Boosaaso, Gaarisa, Garbahaarey, Hargaysa, Jigjiga, Kismaayo, Marka, Mogadisho iyo Nairobi.

Kuwaas oo noqdey isha wararka, iyaga oo kiciyey dadka dareenka wadanimo ama Soomaalinimo ku jirto ee dalka iyo dibadiisa jooga. Kuwaasoo ilaa iyo waqtigii ay bilaabatey ficilada waxshinimada ah oo ay Dowlada kenya iyo ciidamadeeda sida gaarka ah loo tababarey u la dhaqmeen qaxootiga Soomaaliyeed ee degan Nairobi iyo agagaarkeeda, u gudbiyey dacwad ka dhana Kenya ha’adaha qaabilsan arimaha qaxootiga.

Aqristow iskama dhihin hadalkaas, mana aha mid aan iska la jeclaystey dhalinta iskaleh SHABAKADAHA wararka ee sida gaarka loo leeyahay, kuwaas oo inta badan ku shaqeeya iskaa wax u qabso, ee waxaa jirey sadex qoraal oo aan ka qoray arintaan oo ay daabaceen iyo kuwo kale oo aan aqriyey oo ay QORAAYAASHA Soomaaliyeed dal iyo dibadba ha joogeene u soo direen, dabaceena – ha ahaadaan SHABAKADAHA laga leeyahay SOMALILAND, PUNTLAND ama kuwa Baydhabo, Boosaaso, Gaarisa, Garbahaarey, Hargaysa, Jigjiga, Kismaayo, Marka, Mogadisho iyo Nairobi.

Marka wadashaqaynta SHABAKADAHA iyo QORAAYAASHA Soomaaliyeed la’aanteed ma suurto gasheen in madaxwaynaha Dowlada Federaalka hurdada ka kaco madaama uusan ka hadlin waqtigii ay arintan bilaabatey oo uu Afrikada Bari safarka ku marayey – welina uusan usheegin dadwaynaha mowqifkiisa iyo meesha uu ka taagan yahay arinkaan, inta aan ka ahayn wada tashiga uu u aadey in uu la yeesho madaxwaynaha dalka aan walaalaha nahay ee Djaboui.

Qoraaladii aan qoray oo aan uga hadlaayey dhibta Kenya ku hayso dadka Soomaaliyeed waxaa ka mid ahaa: “Soomaaliyeey: Kenya Sidaan Kuuma Gasheen ‘Hadii Aad Dowlad Midaysan Lahaan Lahayd’” “Madaxwayne Hassan Sheikh Mohamoud: Ma La Gaarey Waqtigii Aad Is Casili Lahayd”, iyo “Qurbojoogta: Oo Ka Welwelsan Go’aanka Dowlada Kenya Ku Gaartay In Qaxootigu Ka Baxo” – AJAR ALLAH ha ka siiyo intii daabacday, intii aan waqti aan u helin, damacsanayd in ay daabacaan, iyo intii SHABAKADO kale u gudbiyey madaama aysan qoraalada Afsoomaaliga daabicin “waxaa jira hal SHABAKAD” oo tafatiraheedu ila soo xariirey – AAMIIN.

Ma rabo in aan magac soo qaado, laakiin SHABAKADAHA aan ka hadlaayo kuma jirto SHABAKADA wayn oo qoraalada qoraayaasha ummadda Soomaaliyeed u qoraan in ay uga faa’iideeyaan dadkooda sida aan maqlay ku daabaca lacag – xataa tacsi ha ahaatee.

Waxaa qoray: Mohamed Barre – Junlay “Buluf” oo wax ka qora arimaha Soomaalida degana magaalada Minneapolis, ee gobolka Minnesota – junlay99@aol.com

 

Comments are closed