|

Madaxwayne Hassan Sh. Mohamoud Oo Booqandoona Minneapolis iyo: ‘Muqalasiintiisii Oo Ku Guuldaraystey Joojinta Banaanbaxa Looga Soo Horjeedo’

Sida dad ku dhow muqalasiinta Madaxwaynaha D. F. ee Soomaaliya xaqiijiyeen, waxaa horaanta bisha August, 2014 la filyaa in Madaxwaynaha D. F. ee Soomaaliya uu booqasho ku imaan doono magaalada Minneapolis, ee gobolka Minnesota.
Magaalada Minneapolis oo ah halka ay ku badan yihiin racii ugu horeeyey ee ka soo qaxay dagaalkii sokeeye ee bilowday dhamaadkii sanadkii 1990kii, inkastoo Soomaalida degan gobolkaan, ay ka soo jeedaan gobol badan oo ka tirsan Soomaaliya, waxaase u badan dadkii ka soo qaxay magaalooyinka Xamar iyo Kismaayo.
Si kastaba ha ahaatee, waxay dadka ku kala qaybsan yihiin banaanbaxa lagu talo jiro in ay ku muujiyaan sida ay uga soo horjeedaan xukuumada Madaxwayne Hassan Sheikh Mohamoud, oo lagu eedeenayo arimo badan. Gaar ahaan, qolooyinka xaga nadhaamka Federaalka u dooda, ayaa iyagu ahaa kuwii booqashadii ugu horeesay ee madaxwaynaha, dhigay banaan baxii lagu cadaynayey in madaxwaynaha uusan rabin in uu fuliyo dhismaha Dowlada Goboleedyada, ee uu dastuurka wadanka hada u degsan qabo. Taas oo ka dhalatey ishortaagii laga dareemay waqtigii ay socotey ismaandhaafkii ka dhashay dhismaha Jubbaland State, oo markii danbe la isku afgartey, in la dhiso maamul ku meelgaar ah, loona bixiyey: Maamulka Ku Meelgaarka ee Jubbooyinka.
Markaanse, arintu intaas waa ka wayn tahay, maxaa yeelay waxaa hada hortaagan is bahaysi wayn oo ka dhashay arimahii ka dhacay Shabeelada Hoose, ismaandhaafka Lixda Gobol iyo Sedexda Gobol ee Koonfur Galbeed, iyo arimo kale oo la xariira Puntland iyo Somaliland.
Dadka qabanqaabinaaya banaanbaxa ayaa waxaa ay dareemeen in magaalada ay soo gaareen dad madaxwaynaha ka socda, kuwaasoo ay ka mid yihiin dad degaanaan jiray gobolka Minnesota. Qabaqaabiyaasha banaanbaxa, qaar ka mida, ayaa waxay sheegeen muqalisiinta madaxwaynaha ay codsadeen in aan madaxwaynaha lagu banaanbixin, se waa laga diidey arintaas. Waxay kaloo xaqiijiyeen, in uu dhici doono banaanbax aad u wayn, iyadoo ay taas suurto gelinayso, hawada magaalada Minneapolis oo aad u fiican waqtigaan.Waxay kaloo xaqiijiyeen in lacagtii qabanqaabada soo dhawaynta madaxwaynaha soo gaartey dadka u fadhiya magaalada.
Marka, hadii ay run tahay in madawaynaha uu soo booqan doono jaaliyadda sida la is dhexmaraayo, waxaan la gudboon in uu qabto ‘shir jaraa’id’ oo uu ku cadeenaayo fartiimaha uu u wado jaaliyadda reer Minnesota inta uusan imaan. Hadii kale, arintu waxay u egtahay sideedii iyo in dadka magaalada iska leh arkaan indho xumada banaanbaxa, ayna ogaadaan in Madaxwaynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya aan laga jeclayn magaaladaan ama uusanba imaan, maxaa yeelay madaxwaynahu waa calaamada dalka iyo dadkiisa, oo aan ugu faano dadka wadanka aan ugu imaanay.
Fartiin: dadka qaabinqaabinaaya, waan in ay Mediayada u sinaato ( mucaarad iyo muxaafidba), oo aan eex, xulufaysi iyo qaraabaysi lagu kala soocin ‘all Somali Local Media Outlets should have access to the president’ – yey dhicin sidii dhacday booqashadiisii hore ee Minneapolis, ee gobolka Minnesota.
Waxaa soo aruuriyey: Mohamed Barre – Junlay ‘Buluf’ qoraa madax banaan, waxna ka qora arimaha Soomaalida, oo degan magaalada Minneapolis, MN – Junlay99@aol.com

Comments are closed