|

Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa dhaleceeyey Qarax maanta Muqdisho ka dhacay

Muqdisho, Mon-March-18-2013 (SDN) – Qarax Ismiidaamin ah oo maanta ka dhacay Guriga loo yaqaano Fiyooraha oo ay deggan yihiin kooxaha Fanaaniinta ah ee Somaliya, ayaa inta la’ogyahay waxa ku dhintay 10

Qaraxan, ayaa waxa ku dhaawacmay Taliyiha nabadsugida Gobolka Banaadir iyo tiro kale oo dad ah, kuwaasi oo ku jiraan askar iyo dad rayid ah, waxaana Taliye Khaliih Axmed Ereg la dhigay cisbitaal Amisom leedahay ku yaala dugsiga Xallane.

Kooxda Al-shabaab ayaa sheegtay inay weerarkaas iyada soo abaabushay ayna la beegsatay taliyaha hay’adda nabadsugidda oo ay sheegtay inay ku dhaawacday, waxayna weerarka ku sheegtay mid loogu aargudayay dad lagu laayay degmooyinka Muqdisho.

Weerarkan ayaa wuxuu ka noqonayaa kuwii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca Muqdisho, iyadoo Al-shabaab ay sheegtay inay si wanaagsan uga soo shaqeysay weerarka ayna sii wadi doonaan weerarrada noocan oo kale ah.

Qaraxan, ayaa waxa uu ku soo beegmaya xili shalay uun ay Al-shabaab la wareegtay gacan ku haynta degmada Xuddur ee Gobolka Bakool, ka dib markii ay iskaga baxeen ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugnaa.

Dhinaca kale Madaxwaynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhaleeceeyey Qaraxa Muqdisho ka dhacay, isaga oo arimahaas ka hadlayana waxa hadalkiisii ka mid ahaa mar uu maanta Muqdisho kula hadlayey Warbaahinta “Waxaan tacsi u dirayaa  dhamaan eheladda iyo asxaabtii ay ka geeriyoodeen shacabkii maanta ku shahiiday qaraxii dhacay”

Waxaanu intaas raaciyay “Waxaan qiyaasi karnaa in ay  qaraxan ka danbeeyaan Kooxda Al-Shabaab oo looga guuleysanayo  dagaalkii dhanka militariga ahaa. Sidaas daraadeed waxey waqtigooda siiyeen in ay shacabka masaakiinta ah argagax geliyaan ayna si arxan darro ah u laayaan. Waa in aan si wada-jir ah ugu hor-jeesano cadawga” ayuu yidhi

Isagoo ka hadlaya dagaalka ay Al-shabaab kula jiraan waxa uu yidhi “Waan guuleysanay waana sii guuleysan doonaa, cadawgan aduunka hoy kuma laha, sidaas darteedna waa in aan u diidnaa in Soomaaliya uu hoy ku yeesho.”

Waxaanu intaas sii raaciyay “Mar kale Waxaan rabaa in aan u tacsiyeeyo shacabkii ku geeriyoday qaraxaas foosha xun ee  ku yimid muwadiniinta Soomaaliyeed.”

SDN-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed