Madaxwaynaha Somaliland Oo Magaalada Burco Xadhiga Ka Jaray Mashaariic Horumarineed Kuwo Hor Lehna Dhagax Dhigay
Burco 10-11-2012 (SDN)-Madaxxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaayo ayaa saaka aroornimadii hore u ambo baxay safar kedis ah oo ku tagey Magaalo Madaxda Gobolka Togdheer ee Maagalada Burco isaga madaxwaynuhu dhagax dhigay dhowr dhisme oo laga hirgelinayo magaalad burco qaar kalena xadhiga kajaray .
Madaxwayne Siilaanyo oo safarkiisani kediska ah waxaa ku sii maray Magaalada Sheekh eeGobolka Saaxil halkaasi oo lasheegey in uu Xadhiga ka jaray Xusbitaalkii guud ee Magalaadasi oo uu dayactir ku sameeyey Muwaadin ganacsade ah uu u dhashay Dalka Kuwayt.
Dhinaca magaalada Burco waxaa uu Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo dhagax Dhigay dhowr goobood oo dhismayaal laga hirgelindoono waxaana ka mid ahaa Dhisme lagu kordhinayoTaliska ee Ciimada Booliska ,qayb Cusub ee lagu kodhinayo Aqalka Martida ee Degmada Burco iyo waliba dhisme lagu kordhiyo Iskuulka farsamada Qacanta ee Jarmalka.
Waxaa kale oo uu madaxwaynaha Somaliland Xadhiga ka jaray dhisme Cusub oo lagu kordhiyey Iskuulka Jarmalka iyo waliba wadooyin Dowlada Hoose ee Magaalada Burco Hirgelisay ayuu xadhiga ka jaray halka uu kuwo hor lena dhagax dhigay
Dadwaynaha Magaalada burco ayaa intooda badani aanay warba ka hayn Imaansha Madaxwaynuhu uu yimi Magaalada Burco halka ay dadku ku mashquulsanaayeen howl maaleedkooda iyada oo madaxwaynuhuna Si Sunqudh iyo Sanqadh la,aan ah uu Magaalada Ku soo galay .
www.Qurbejoog.com Hargeisa