Madaxwaynaha Maamul Goboleedka Puntland oo u dhoofay Dalka Itoobiya,Iyo Wada Hadal laga Yeelanayo Muranka iyaga iyo Somaliland
Garowe 24.April 2014 (SDN)- Wafdi uu hoggaaminayo madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali ayaa saaka 24.April.2014 u anbo baxay dalka Itoobiya gaar ahaan magalada Addis ababa.
Dr.Gaas ayaa safarkiisa Itoobiya waxaa ku weheliya wasiiradda waxbarashada iyo Amniga waxayna caasumaad ka helleen madaxda Dalka Itoobiya sida uu sheegay Dr.Gaas.
Madaxwaynaha Puntland ayaa sheegay socdaalkiisa Itoobiya inuu salka ku hayo ka qayb galka shir ay iskugu imaaanayaan madax Africaan ah oo ka dhici doona Magalada Addis ababa.
Cabdiwali Gaas ayaa mudo ka badan toban bari ku sugnaa Gobalka Mudug wuxuna booqday shanta degmo ee gobalka isagoona sheegay inuu wax ka qaban doono baahiyaha kala duwan ee Gobalka ka jira.
Balse safarkiisa Mudug waxaa dhaawac ku noqday dilkii labadii shaqaale ee Ajaanibta ah ee kuwaasoo howlo shaqo Puntland u yimi,waxana garoonka Cabdilaahi Yuusuf ku dilay Askari ciidanka Puntland ka tirsan.
Dhinaca kale Warar laga helayo Madaxtooyada Punt land ayaa Sheegaya in Madaxweyne Gaas uu Madaxda Sare ee Itoobiya kala Hadli doono Muranka Mudooyinka danbe Cirka isku Shareeray ee u dhexeeya Punt land iyo Somaliland iyadoo ay Addis ababa ku sugan yihiin Wasiirada Arrimaha Gudaha iyo Dibada ee Somaliland Sidoo kalena uu maalmo ka hor ka Soo Noqday Caasimada Itoobiya Madaxweyne Xigeenka Somaliland oo Sheegay inuu Itoobiya ka wada hadleen Qabsashadii Ciidamada qaranka ee Degmada Taleex oo ay Punt land ku tilmaantay Faro gelin iyo daandaansi dagaal
Garowe SDN.
Contact@qurbejoog.com