Madaxwaynaha Iyo Ku Xigeenkiis Oo Khilaaf Adag Soo Kala Dhex-galay, Saylici Oo Wasiirro Sasabaad Kaga Joojiyeen Shir-jaraa’id Iyo Safarkii Ingiriiska Oo U Dhow Inuu Baaqdo
Hargaysa Febr 5,2013 (SDN) Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo ku xigeen ku xigeenka Somaliland, ayaa waxa soo kala dhex galay khilaaf dibada u soo baxay, kaasi oo sababay in Madaxwayne Siilaanyo safarkiisii maanta galinka dambe u dhaco.
Khilaafka labada masuul oo soo taagnaa intii lagu jiray isku shaandhaynta lagu sameeyay Badhasaabada, ayaa dibada u soo baxay maanta ka dib markii Madaxwaynuhu Maareeyaha Waddooyinka Somaliland uu Magacaabay Masuul ay wallaalo yihiin Wasiirka Warshadaha.
Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici, oo arintaasi ka cadhooday, ayaa goor dhawayd isku dayey inuu shir-jaraa’id ku qabto gurigiisa isla-markaana soo bandhigo nuxurka khilaafka ka dhexeeya Madaxwaynaha, ayaa waxa ergo ahaan ugu tagay Wasiirrada Maaliyadda, Duulista iyo warfaafinta, kuwaasi oo Madaxwayne ku xigeenka ka codsaday inaanu warbaahinta la hadal.
Madaxwayne ku xigeenka ayaa Wasiirrada ka ogolaaday inaanu warbaahinta la hadal, balse waxa sida la sheegay uu Wasiirrada u sheegay inaanu ka noqonayn mowqifkiisa ah in Madaxwaynuhu ka noqdo xilkaasi uu u Magacaabay ninka ay Wallaalaha yihiin Wasiirka Warshadaha.
Khilaafkan ayaa gaadhay in Madaxwaynuhu safarkiisa Ingiriiska oo galin hore ahaa inuu galinka dambe dib ugu dhaco, inkasta oo wararka qaarkood sheegayaan inay suurto-gal tahay inuu gabiahaanba baaqdo safarka Madaxwaynuhu.
Imika oo saacada Hargeysa tahay 3:00 duhurnimo, Madaxwaynaha ayaa ku sugan aqalka Madaxtooyada, waxaana askartii ilaalad ahayd ee jidadka la sii dhigi jiray dib loogu celiyay goobahoodii, halka Warbaahintii doonaynay inay madaarka kaga soo laabtaana ay ka rawaxeen agagaarka Madaxtooyada oo ay ku sugayeen ilaa saaka, waxaana la sheegayaa in Madaxwaynuhu ku jiro xalinta khilaafka soo kala dhex galay ku xigeenkiisa oo uu doonayo inuu xilka sii hayo intii dibada ku maqan yahay.
qurbejoog
Hargaysa