|

Madaxtooyada Somaliland Oo Xarunta Baarlamaanka ka Baafinaysa Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble Iyo Sababta Doonistiisa

Hargeysa:Aug,23,2014(SDN/QJ)-Aqalka Madaxtooyadda somaliland, ayaa xarunta Baarlamaanka ka dhex baafinaysa Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo dhawaan naqdiyey hannaaka maamul ee xukuumaddda Madaxweyne Siilaanyo.

fifeSida uu noo sheegayo wariyaha Qurbejoog.com oo haatan ku sugan xarunta Baarlamaanku, waxa halkaas lagu dhex arkay Afhayeenka Madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul oo  baadi-doon ugu jira Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, kaas oo aanay wali u suurto gelin inuu helaa.

Afhayeen dhuxul ayaa si weyn  baarlamaanka dhexdiisa uga daydayaya Xildhibaan Siciid Cilmi, kaas oo si daran wax uga sheegay laba maalmood ka hor Madaxweyne Siilaanyo iyo Habka uu dalka u maamulayo.

Wararka aanu Hayno ayaa sheegaya in Afada Madaxweyne Siilaanyo Afhayeenka ku calaacashay, isla-markaana sheegtay inuu u soo diyaar garoobay duminta xukuumadda Siilaanyo, isla-markaana loo baahan yahay cid qabata, waxana Afhayeenka oo Afada madaxweynaha xidhiidh fiican la lihi afkiisa ka sheegtay inuu xildhibaanka horteeda keeni doono, ama war sugan ka keeni doono.

Xildhibaanka ayaa hore la iskudu dayey in telefoonkiisa lagaga qanciyo inuu joojiyo naqdinta xukuumadda, waxase uu si cad u sheegay inaanu joojin doono dagaalka uu kulajiro xukuumadda  Madaxweyne Siilaanyo, waxana taas ka muraara dillacay aqalka madaxtooyada oo habka uu siciid cilmi rooble Oo Haweenayda madaxweynaha ay isku deegaan yihiin u weeraray xukuumadda.

Siciid Cilmi Rooble ooh ore halgan dheer ula soo galay xukuumada Kulmiye, ayaa dhawaan ka biyo diiday jihada ay wax u waddo, waxana uu warbaahinta ka sheegaa warar ay aad u dhibsadaan kooxda afduubka ku haysata Go’aanada Madaxtooyada kasoo fula oo ay ugu horreeyaan Dhuxul, Sayid iyo wasiirrada aan kalsoonada ka qabin shaqada ay qaranka u hayaan.

Afhayeen Dhuxul ayaa la Hubaa Xataa Haddii uu Maanta Helo Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble inaan kala noqon doonin jawaab ka farxisa Haweenayda Madaxweynaha iyo Kooxda ku hareeraysan, waxase uu kaliya u jeedaa inuu u madax Buuxiyo Afada oo si weyn uga muraara dillaacsan Habdhaqanka Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble.

 

Afhayeen Dhuxul ayaa u soo ban baxay Ladqabaynta iyo maslaxaadda  Cidkasta oo codkeedu meel dheer gaadhi karo, isla-markaana bannaanka keenta Xogaha Madaxtooyada iyo dhaliilaha maamul ee madaweynaha dushiisa hoganaya.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed