Madaxtooyada Somaliland Oo U Yeedhay Wasiir Cukuse Si Loo Furdaamiyo Dagaalka Universal Oo Adeege U Noqday Kooxda Khaatumo
Hargeysa:Sep,01,2014(SDN/QJ)-Sida ay sheegayaan ilo-wareedyo soo gaadhay Qurbejoog.com, madaxtooyada Somaliland, ayaa u yeedhay Wasiirka Warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Daahir (cukuse), si wax looga weydiiyo dagaal hoose oo uu Telefishanka Universal kusoo qaaday Somaliland, isagoo si dhexdhexaadnimada ka baxsan u buunbuuniyey arrimaha Kooxda KHaatumo.
Wararka aanu Hayno ayaa intaas ku daray in madaxtooyadu ka codsatay Wasiirka inuu keeno Go’aan lagu qanci karo iyo tallaabo ku Haboon oo la qaado si meesha looga saaro weerarka tv-gani kusoo qaaday Qaddiyada Somaliland.
Kulankan oo uu ay goob-joog ka ahaayeen wasirrada Awoodda ku leh madaxtooyada iyo Haweenka wararkoodu meelaha sare Gaadho, ayaa wasirka kala sheekaystay waxa keenay in Collaada Somaliland iyo warbaahinta u dhexaysaa ay gaadho heerka ay maanta taagan tahay,iyadoo la sheegayo in wasiirku jawaabtii uu bixiyey salka ku haysay in kaliya amarradii madaxtoyada oo uu isagu fulinayey ay natiijadeedu dhashay colaadda Maanta taagan.
Kulankan ayaa wasiirka loogu sheegay inuu si degdeg ah u keeno jawaabo qancisa madaxtoooyada, taas oo noqon karta mid la iskaga fujiyo qaniinyada Universal amaba xal loogu keeni karo dhibka iyo colaada telefishankani u hayo Somaliland oo loo arko mid aan lasii daawan Karin.
Wararka tv-gani baahiyey ee Madaxtooyadu ka gam’I wedyay ayaa waxa ugu waaweyn Gudbintii Tooska ahayd ee Munaasibadda Cali Khaliif lagu dooraneyey, Barnaamij gaar ah oo la siiyey khudbadii uu cali Khaliif ka jeediyey Weerarkii Somaliland ku qaadday Deegaanka Saax-dheer iyo Waliba ugu dambayn Waraysi gaar ah uu Wariye Cagma-dhige Khadka Telefonka kula yeeshay Cali Khaliif, kaas oo ay ka buuxday Naxli iyo erayo anshaxa ka Baxsan uu Cali Khaliif Adeegsaneyey, isla-markaana aanu wariyuhu tallaabo ka qaadin.
Wasiir Cukuse ayaa muddo kooban lagaga codsaday inuu ku keeno jawaab keenta in madaxtoyadu ka nasato weerarka TV-ga universal, waxase uu muujiyey sida ay u adagtahay in la helo jawaabta meesha ka saari karta Inuu Universal kusoo noqdan Saaxadda Caadiga ah maadaama hore loogu diiday inuu Somaliland ka dhex shaqaysto.
Kooxda Awoodda ku dhex leh Madaxtooyada ayaa haatan isku ciil-kaambiyeysa Go’aanno aan hore looga fiirsan oo ay ka gaadheen Warbaahin dalka dhexdiisa ka xoogsan jirtey, kuwaas oo markii danahada Madaxtoyada laga dhex arki waayey la go’aamiyey in shaqada laga joojiyo.
Tv-ga universal ayaa isagu si badheedh ah dagaal ugu qaaday Somaliland, waxana uu ogaaday in meesha kaliya ee maanta Somaliland u jilicsan tahay ay tahay Buunbuuninta Cali khaliif, iyadoo taasina tahay mid shacabka reer Somaliland si weyn ula socdaan.
Waxa muuqata inaanay faa’iido keenaynin in xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ay colaad dhex dhigato warbaahinta somalida, maadaama aanay adkaysi u lahayn tallabooyinka dambe ee warbaahintaasi kaga aargudanayso Hadimooyinka xukuumadda, waxana haatan la arkaa Baahida loo qabo in Laga baaraandego xamaada iyo fudaydka Keenaya in warbaahinta la kala jeclaysto.
Xukuumadda Somaliland warbaahinta ay gacanta ku Haysaa inkastoo la geliyey muruq iyo Maaliyad badan haddana wali awood uma laha inay difaacaan qaddiyada somalSomalilandana ka dheereeyey warbixinnada ay diyaarinayaan Warbaahinta Aargoosiga ku jirta ee xukuumadda siilaanyo dhibaatada aanay galabsan u geystay.
Lama garan karo sida uu wasiirka warfaafintu madaxtooyada ugu soo celin doono wixii laga yeeli doono Tv-ga Universal, waxase Madaxtooyadu jeceshay in wada-hadal lala galo tv-ga si meesha looga saaro dagaalka uu wado, maadaama la aqoonsaday in warkiisu meel sare gaadhi karo.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com