Madaxtooyada Somaliland Oo Si Weyn Uga Muraara-Dillaacday Erayo Ku jirey Khudbad Marxuum Cigaal Hore u Jeediyey Oo Lagu Xardhay Caasimadda Dhexdeeda
Hargeysa:April,27,2014(SDN/QJ)-Wararka Hoose ee ay shabakadda Qurbejoog.com ka helayso Aqalka Looga Taliyo Somaliland ayaa sheegaya in Madaxtooyadu si weyn uga cadhootay Qoraallo hal-ku-dheg looga Dhigay Boodhadh Suuqa lagu Dhejiyey oo lagu muujnayo Xuska Geerida Madaxweynihii hore ee Somaliland Maxamed Ibraahim Cigaal.
Waxa ay wararku intaas ku darayaan in Madaxtooyadu si weyn u dhibsatay, ugana Muraara-dillaacday Erayada Sanadkan hal-ku-dhegga loo qaatay oo noqday qaar aanay Kooxda Majaraha Somaliland Haysaa si weyn ugu farxin.
Qoraalada La Dhibsaday ee ku xardhan Sawirrada Marxuum Cigaal ee Magaalada Hargeysa Lagu dhejiyey ayaa wax ugu weyn Hadal ku jirey qudbad uu marxuumku jeediyey xilliyadii uu madaxweynaha ahaa, kuwaas oo uu kaga soo horjeeday kalitalisnimada iyo in Talada dadka kale waxba laga siin waayo.
Hadal Taariikhda Galay Ee Marxuum Cigaal laga Guntay, isla-markaana Madaxtooyadu waji-gabaxa ka muujisay ayaa u qoran sidan, “Ceeb Baan u aqaan Kaligii Taliyaha, waxan u aqaan nin aan isku kalsoonayn oo arrinkiisa Dood ku dhamaysan Karin oo Doonaya inuu Af-duub ku dhamaysto”
Hadalkan ayey Kooxda Qabanqaabinaysa Xuska Geerida Marxuumka oo ku Beegan Bishan May 2-deeda sanadkan u doorteen inuu hal-ku-dheg u noqdo, waxase si kale u aragtay Madaxtooyada oo inta badan meelo kale wax ka eegta.
Sida ay sheegayaan wararka Qurbejoog.com soo haysaa, waxa ay madaxtooyadu u sheegtay xubaha qabanqaabinaya Munaasibadda inay beddelaan Hal-ku-dhegga sanadkan oo ay hadalkaas meesha ka saaraan, iyagoo waliba aan sheegin sabab macquul ah oo lagu qanci karo.
Madaxtooyada ayaa ku andacoonaysa in ujeeddo gaar ah laga Leeyahay hadalka Marxuumka ee lagu hor qoray Sawirka madaxweynaha, iyagoo intaas ku daray inay kooxo ujeedo lihi soo qaateen Hadalkan.
Kooxda qabanqaabada wadda ayey fajaciso iyo yaab ku noqotay dalabka ka yimi madaxtooyada iyo waliba sida ay madaxtooyadu ugu badheedhayso inay qariso oo aasto Taariikhda Marxuum Cigaal oo lagu tilmaamo Aabihii dhidibada u taagay Somaliland.
Waa Markii ugu horraysay Taariikda ee La Arko Madaxtooyo dalbatay in la masaxo hadal aan Been abuur ahayn oo uu yidhi Halyey Taariikh ku leh dalku, waxana taasi ay muujinaysaa inaan Xukuumaddani maanta dan durugsan ka lahayn mustaqbalka iyo aayaha dambe ee Somaliland oo kaliya ay fikirayso waxa ay indhaheeda iyo dhegaheedu qabanayaan.
SDN/QJ\Hargeysa
Contact@somalidiasporanews.com