|

Madaxtooyada Somaliland oo Dhaqaale Xoogan ku Bixisay Casuumadaha Fanaaniinta dawlad deegaanka Somalida Itoobiya iyo Kuwa Jabuuti,iyo Tii u danbaysay oo Marwada Madaxweynuhu qabatay DAAWO

Hargaysa 22.Aug 2014 (SDN/QJ)- Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Marwo Aamina Maxamud Jirde ayaa  Casuumad Sharafeed ku maamuustay Kooxihii Fannaaniinta Dawlad Deegaanka Somalida Itoobiya Iyo Jabuuti oo mudooyinkii u danbeeyay ku sugnaa Somaliland.

Casuumadaas Waxaa kale oo ka qayb galay Xubno ka Tirsan Golaha Wasiirada,Bulshada Somaliland ayaa Siyaabo kala duwan u arka in dhaqaale buuran lagu bixiyo fannaaniin ka timid deegaano ka baxsan Somaliland Qaar ayaa u arka arrin fiican oo ay haboon tahay in la sameeyo,halka kuwa ka dooda duwani Sheegayaan inay Jiri karto Meelo kaga sii Wanaagsan in lagu bixiyo dhaqaalahaas .

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed